Diiwaanka Waxa Lagu Geliyay Qofka Dunida Ugu Bakhaylsan

0
499

Islaanta Haiti Green ayaa loo aqoonsaday inay tahay qofka ugu bakhaylasan dunida. Islaantan oo Maraykan ah ayaa sida la sheegay hantideeda loo diiwaan geliyay ay dhan tahay 200 oo malyuun oo doller. Islaantan ayaa la sheegay inay xidhato dharka madow oo duug ah isla markaana aad u jaban, waxaana la sheegay in aanay maydhin iyadoo diiday inay lacag ku bixiso saabuunta iyo biyaha kuwaasi oo dusheeda uskag ku noqday.
Arimaha yaabka noqday ayaa ah in wiil ay dhashay uu ka jabay gacanta ka dib markii uu meel ka soo dhacay, waxaana la caddeeyay in ay geysay isbitaal dadka saboolka ah loogu talo galay oo bilaash ah. Arinkaasi ayay mar danbe ogaadeen dhakhaatriitu. Waxaana la sheegay in islaantan diinwaanka lagu geliyay qofka dunida ugu bakhaylsan, waxaanay dhimatay Islaantaasi sanadkii hore iyadoo 81 jir ah.

Leave a Reply