Sida loo xaliyo xamaasada macmiil xanaaqsan!

0
446

Waxaa jirra xaalado aad la kulmayso si lama filaan ah macaamil xanaaqsan oo tabanaya dhibaato, mar-marka qaarna ay dhacdo in qof ka maacaamilka uu yahay dad ka aan xakamayn karin shacuurtooda. Adiga dhan kaaga ujeedadu waxa ay tahay in aadan lumin qof kaa macaamilka ah iyo in aad ku qanciso adeega ama badeecada aad hayso.
NOQO QOF WANAAGSAN.
Marka aad wajahayso qof macaamil ah oo xanaaqsan, ugu horayn is deji adigu, ilaali erayada aad adeegsanayo si aad u qaboojiso macaamilka. Faham waxa uu dhibsanayo qof ka maacaamil ka ah , kuna talo gal in aad dareento dhibka haysta qof kaas adiga oo iska soo qaadayo in aad tahay sida macaamil kaa oo kale.
DULQAAD MUUJI.
Hadii qof ka macaamilka ahi rabo in uu qayliyo ama xanaaq iyo caro muujiyo, haku celin. Sababtu waxa ay tahay mar-marka qaar xanaaqa badan, qaylada iyo dareen uu muujiyo qof ka macaamilka ahi waxa ay banaanka u soo saartaa dareen xun iyo cuqdada ku jirta qofka. Waxaa  dhacda in qof ku iskii u dego, caro baaba’o oo uu caadi noqdo marka waxa ku jirra ee xanaaqa ahi uu banaan ka u soo saaro. Adiga waxaa lagaa doonayaa in aadan caburin qofka macaamil ka ah iyo in aad muujiso naxariis iyo in aad dhagaysato. Way adag tahay markaa xitaa in qof ka oo xanaaqasan aad wax ka dhaadhiciso xitaa ay yahay mid fiican oo qof kaa macaamilka ah dani ugu jirto.
MUUJI XIRFAD.
arka qof ka macaamilka ahi iskii u dego, u caro baaba’o, waxa aad heli kartaa farsad aad kusoo bandhigto xal ama ilaa labo xal hadii ay suurtogal tahay adiga oo kala dooran siinaya qof ka macaamil ka ah tan isaga u fiican si aad u xaliso dhibka jira. Ujeedadu waxa ay tahay in qofka macaamilka ahi dareemo iqtiyaar uu ku kala dooran karo waxa uu rabo. Marna qofka haku ruuxin mid gaar ah iqtiyaar sii isaga.
Xigasho……
 

Leave a Reply