Xakiimka Ayaa Khasaaraha ka dhiga Faa’iido!

0
396

Xakiimka caqliga badan ayaa khasaaraha fa’iido u roga. Jaahilkuna wuxuu belaayadda ka dhiga laba belaayo. Rasuulka Allah (scw) ayaa laga saaray magaaladiisa Maka, waxaana uu ka dhisay Madina dawlad buuxisay indhaha iyo dhegaha caalamka. Waxa la xidhay Imam Axmed Binu Xanbal waana la garacay, laakiin wuxuu arinkaasi horseeday inuu noqdo Imaamka suniga.
Sheekh Ibnu Taymiya (culimda salfiyada) waa la xidhay waxaana uu jeelka ka soo baxay isagoo caalim noqday. Ibnu  Qayim Al-Jawsi waxa laga mastaafuriaya Baqdaad waxaana uu ku bartay meeshii loo mustaafuriyay 7-da qiraa’o ee Quraanka Kariimka ah . Gabayga caanka ah ee ku jira Diiwaanka dawladii Cabaasiyiinta waxa tiriyay nin la odhan jiray Maalik Binu Rayb isagoo sakaraadka geeridu hayo.
Haddii dhibaato ku hayso ka eeg dhinaceeda kale ka  faa’iidaysigeeda, haddii qof ku siiyo koob liin dhanaan ah ku dar sacab sonkor ah.
Mar kasta eeg dhinaca iftiimaya ee mushkuladda. Wax khayr kuu leh ayaad u arkaysaa dhibaato maaha sidaasi waa qadarka Allah (sw) arrin kastaa. Allah (sw) ayaa yidhi “ Waxa laga yaaba in arin aad necbtihiin uu idiin yahay khayr”

Leave a Reply