Booliiska Japan ayaa maalintii Jimcaha ahayd xidhay gabadh 29 sano jirtay , ka dib markii ay ilmaheeda oo buka oo sagaal iyo toban bilood oo keliya jiray kaga mashquushay internetka. Booliiska ayaa cadeeyay in gabadhan ay saarayd masuuliyad hooyonimo oo ay si cad u dayacday. Waxa kale oo booliisku sheegay in ilmaha yar uu bukay oo ay haysay xumad aad u badan iyadoo kaga tagtay sariirta ka dibna ku mashquushay Internetka.
Gabadhan oo lagu magacaabo Yomico Takahashi oo shaqo la’aani hayso ayaa sheegtay inay iyadu qoyska ka masuul tahay isla markaana uu wakhtigan hayay murugo badan oo ay muddo badan isku maaweeliso Internetka ka dib markii ay shaqo la’aani ku dhaday.
Waxa kale oo gabadhan hore uga dhintay wiil yar oo ay dhashay oo 4 sano jiray ka dib markii uu ka soo dhacay dabaq guriga. Waxaana booliiska hadda baadhaya sababta gabadhan caruurteeda ay u dayacayso.