Qiso: Xulashada Lamaanaha Wanaagsan

0
1032

Markii wiilku u dhashay ayuu u tegay sheikh  arimaha bulshada ka fatwooda oo dadka kala taliya wixii ay uga baahdaan, waxaana uu ku yidhi : “ Sheekh wiil yar ayaa ii dhashay sidee ayaan u tarbiyadeeyaa”?
Sheekhii ayaa ugu jawaaabay :” Wakhtigan aad ii timi maaha wakhtigii aan kala talin lahaa wiilkaaga yar si aad u tarbiyadaynayso, waxay ahayd inaa ii timaado markii aad guurdoonka ahayd ee hooyadii raadinaysay, wakhtigaasi ayay bilaabanataa tarbiyadda caruurta”.
Shekhu wuxu u sheegay inay ahayd inuu ka taliyo gabadha aad guursanayso, waayo hooyada ayaa ah tan ubadka tarbiyadaysa,  Sidaasi ayay u wanaagsan tahay nin iyo gabadh kasta inuu aad uga fiirsado qofka uu nolosha la wadaagayo, waayo mustaqbalku waa inuu wanaag ku salaysnaado.

Leave a Reply