Wasaaradda Madaxtooyadda Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah u Samaysay Marwo Khadra Xaaji Gaydh

0
431

Hargeysa (Dawan):Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, ayaa shalay xaflad soo dhaweyn ah u samaysay Agaasimaha guud ee madaxtooyadda Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Agaasimaha guud ee wasaaradaas.

Munaasibadan oo ay shaqaalaha madaxtooyadu ku soo dhaweynayeen agaasimaha guud ee dhawaan xilka loo magacaabay Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa masuuliyiinta ka soo qayb galay  waxaa ka mid ahaa wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirul dawlaha madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees, wasiir ku xigeenka war-faafinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, agaasimaha komishanka xuquuqal insaanka ee qaranka Marwo Farxiya Jaahuur,  qaar ka mid ah badhasaabadda dalka iyo marti sharaf kale.

 Marwo Farxiya Jaahuur oo ah agaasimaha komishanka xuquuqal iinsaanka ee qaranka ayaa sidoo kale bogaadin iyo amaan balaadhan u soo jeedisay agaasimaha madaxtooyadda ee cusub, iyadoo madaxweynaha Somaliland ku amaantay doorka miisanka leh ee uu ka qaatay kaalin gelinta haweenka ee xilalka qaranka. Waxaanu madaxweynaha ka codsatay in xilalka qaranka haweenka ay uga hadheen heer badhasaab oo kaliya.

Waxa  iyaduna halkaasi ka hadashay Wasiir ku xigeena warfaafinta Marwo Shukri Xariir Ismaacil oo ka warantay muhiimada ay qaranka u leeyihiin haweenka oo xilal qabtaa, waxaanay  sheegtay in aanay agaasimaha cusub uga baqo qabin ka soo bixitaanka shaqada madaxtooyada, iyadoo xustay inay hore u soo maamuli jirtay gole deegaanka oo miisaankiisa la wada ogyahay.

 Agaasimaha guud ee munaasibada loo sameeyey Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh), oo iyaduna halkaasi ka hadashay  ayaa aad uga mahad naqday guud ahaan shaqaalaha madaxtooyadda  ee  soo dhawaynta iyo munaasibada ay u sameeyeen. Waxaanay  sheegtay in madaxtooyadda ay joogaan shaqaale ay ku faani karto, isla markaana ay rajo weyn ka qabto la shaqayntooda iyo ka soo bixitaanka shaqooyinka ay ka hayaan qasirga.

 Ugu danbayn Wasiirka madaxtooyad  Maxamuud Xaashi Cabdi, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay agaasimaha guud ee wasaaradda madaxtooyadda oo uu sheegay in uu yahay  masuul karti badn, isla markaana uu filayo in uu wax badan ku soo kordhin doon o horumarka wasaaradda iyo ka dalkaba.

Leave a Reply