Agaasimaha Dib u Dejinta Oo Kormeeray Guryo Hargeysa Looga Dhisayo Qoysas Danyar Ah

0
443

DanHargaysa(Dawan):-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-udajinta Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdinaasir Xaaji Daa’uud Warsame ayaa shalay kormeer ku soo maray Mashaariic guryo loogu dhisayo dadka barakacayaasha ah ee xaafadaha Jimcaale iyo Ayax 3 ee Magaalada Hargaysa.

Ujeedada Kormeerka  Agaasimaha Guud oo la xidhiidhay u kuur-galida  qaabka ay mashaariicdani u socdaan waxa ku wehelinayey Isuduwaha Wasaarada Dib-udajinta ee Gobolka Maroodi-jeex Iyo Madax ka socotay Hay’adaha UN-Habitat Iyo DRC.

Hinda Cabdi Muuse oo ka socotay Hay’ada DRC ayaa ka warantay qaabka ay u socdaan labadan mashruuc iyo dadka ka faa’iidaysan doona waxaanay tidhi “Xaalada guryuhu wali hadda waa qabyo, guryaha shaqadu way ku socotaa, waana laba iyo afartan guri oo loogu tallo-galay dadka barakacayaasha ah oo hore u daganaa guryihii sandaqadaha ahaa ee Sheekh Cumar, markaa dadkaasi waxay noqon doonaan kuwa ka faa’iidaysanaya mashruucan. mar horena waa la xulay dadkii ka faa’iidaysan lahaa.”

Sidoo kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Caasha Maxamed Nuur oo ku hadlaysay afka hay’adda  UN-Habitat waxaana ay sheegtay in qorshaha Mashruucani yahay in la furo bisha labaad ee sannadkan. “Sida loo qorsheeyey waxa aanu is leenahay ilaa bisha Feberuary horaanteeda wuu dhammaystirmi doonaa mashruucani isla markaasna waxa loo soo rari doonaa dadkii, ka dib waxay noqon doontaa in xafladii loo qabto taas oo aanu qiyaasnay in labada mashruuc ay is raaci karaan iyo in ay kala dambayn karaan,”ayay tidhi Caasha Maxamed Nuur.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-udajinta Cabdinaasir Xaaji Daa’uud Warsame, ayaa tafaasiil ka bixiyay ujeedada kormeerkiisa, waxaanu yidhi  “Maanta (shalay) waxa ujeedada socdaalkayagu ahaa kormeer hawleed oo aanu eegayno sida ay u socdaan laba ka mid ah mashaariicaha dalka laga dhisayo qeyb ka mid ah,kuwaasi oo ah mashaariicda dadka danyarta ah loogu tallo-galay waxa aanu soo marnay ayax saddex, xaafada Sheekh Cumar Yuusuf, waxa kale oo isna noogu xigay xaafada Jimcaale.”

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-udajinta Somaliland oo ka hadlayey tiradda guryaha loo dhisayo dadka danyarta ah ee laga hirgalinayo labadan xaafadood. “Haddii aan ku noqdo guryaha Sheekh Cumar Yuusuf waa saddex iyo afartan guri(43-Guri) iyo xaafadan  Jimcaale oo ah iyaguna Boqol iyo Shan Iyo Afartan(145-Guri) run ahaantiina waxa aanu soconay oo aanu eegaynaa waxa weeye bal hawshii dar-dargalinteeda inta u dhiman iyadoo aanu filayno haddii ilaahay idmo ay iska soo dhammaan doonto,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee dib u dejintu.

Leave a Reply