Daacadnimada iyo Midhaheeda Wanaagsan!

0
2118

Nin ka mid ahi dadkii ee hore saalixiinta aha oo haystay dukaan dharka iyo badeecadaha lagu iibiyo aya shaqaalihiisa kula dardaarmay in aanay qofna ka iibin shay cillad leh ilaa ay u sheegaan haduu ku qaadanayo.  Maalin ayuu u yimi nin Yuhuudi aha shaqaalihi, waxayna ka iibiyeen alaabo ay ku ogaayeen inay cillad leedahay. Waxay yidhaahdeen waa Yuhuudi safar ah waxba uma sheegayno ceebta alaabada.
Waxayna ka qaadeen 3 kun Dirham. Markii ninkii dukaanka laha weydiiyay alaabadii , waxay u sheegeen inay ka iibiyeen nin Yuhuudi ah oo safar ah. Waxa uu weydiiyay ma u sheegteen. Waxayna ku yidhadeen maya.
Ninka dukaanka lahaa ayaa lacagtii qaaday waxaana uu raacay safar kale sii uu ninkii Yuhuudiga ah lacagtiisa ugu geeyo, alaabtana ka soo qaado. Markii uu gaadhay deegaankii uu tegay ayuu ku yidhi waar lacagtaadii waa tan 3 kun Dirham , keen alaabdii waxay ahayd caamayse. Yuhuudiga aya yaabay oo ku yidhi maxaa kugu kelifay safarkan intan leeg iyo hawshan. Waxaana uu ninkii ku jawaabay Islamka. Yuhuudiga aya ku yidhi anigu waxan idin siiyay 3 kun Dirham oo caamaysa ah oo anigu aan sameeyay, ee qaado 3 kun ee saxda ah waa kuwane.  Aniguna waan islaamaya . maxaa yeelay akhlaaqda noocan u saraysa ma hayno.

Leave a Reply