Xoghayaha Cusub Ee D/Hoose Hargeysa Oo Xilkii La Wareegay

0
424

Hargeysa(Dawan)-Maayarka Caasimadda Hargeysa iyo Agaasimaha guud ee arrimaha gudaha ayaa shalay xilkii u kala wareejiyey Xoghayihii hore ee dawladda Hoose Ibraahim Axmed Raabi iyo xoghayaha cusub ee Axmed Maxamed Cabdilaahi Darajo.
Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa xil wareejintan ka soo qabgallay agaasimaha guud ee arrimaha gudaha, masuliyiinta dawladda hoose, madax dhaqameed, hay’adaha ay dawladda hoose wada shaqeynta leeyihiin iyo marti sharaf faro badan.
Waxaana Ugu Horeynba Munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshadda  Khadar Yuusuf oo ku hadlayey Afka Shaqaalaha Dawlada Hoose degmada Hargeysa isagoona Sheegay Mudada Uu joogay Xoghayihii Hore Dawlada Hoose inay si wanaagsan ula shaqeeyey wax badana ka  qabtay horumarka caasimadda. sidoo kalena waxa uu ka dhawaajiyay Inay shaqaaluhu ay ka Go’an tahay inay si Kal iyo laaba Ula shaqaynayaan Xogahaya Cusub ee lasoo magacaabay waxaana uu yidhi. “Anigoo ay Shaqaalaha Dawlada Hoose Ii igamadeen kana Mid ahaa gudidii Qaban Qaabada Xaflada, Waxaa Maanta halkan Xilalka Loogu kala wareejinayaa Munaasibadan aan Joogno Xogahayihii Hore Ibraahim Axmed raabi Iyo Xoghayaha Cusub Axmed Maxamed Cabdilaahi, Xoghayihii Hore  Waxa Uu xilka hayay Muddo aan sanad dhamayn oo 9 Bilood ah, Runtiina Xoghayahaasi waxa uu noqday Xoghaye ku Suntan waxqabad, Hawlkarnimo Isla markaaan Mudadaa uu Joogay waxa uu Muujiyay Dadaal Dheeradaa oo ay ku dheehan tahay Wadininimo dhab ah, Waxanan  leenahay Alla Meel khayr qabta Hakuugu Bedelo waanan kuugu hambalyaynayanaa waxqabadkii aad Mujisay, Xoghayaha Cusubna Waxaan leenahay Mudane Axmed Soo Dhawaaw Waxaana shaqaalaha Dawlada Hoosena ay kuu balan Qaadaysaa Sidii aan Xoghayihii kaa Horeyeyba Ula Shaqayn Jirnay Inaan Kuula Shaqaynayo aadna Noqoto baalasha Aad Ku duusho”.
Xoghayaha cusub ee dawlada hoose Axmed Darajo ayaa isna ballanqaaday inuu shaqadda libin laabi doonno, isla markaana wax badan ka qaban doonno wxii qabyo ka noqday xoghayihii hore.“ waxaan halkan uga mahad celinayaa masuuliyiinta dawlada dhexe ee somaliland oo ii gartay inay igu maamusaan xilkan, waxaanan si gaar ah ugu mahad naqaya madaxweynaha iyo wasiirka arimaha gudaha, magacaabistayduna waxay ka turjumaysaa hiilka uu madaxweynaha qaranku la garab taagan yahay dhalinyarada somaliland, waxaanan ku faraxsanahay inaan maanta xilkan la wareego aniga oo ku rajo weyn inaan ka soo bixi doono.” Ayuu yidhi xoghayaha cusub Axmed Darajo.
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cabdifataax  ayaa Xoghayihii Hore Mudane Ibraahin Raahi  Ugu hambalyeyey Sida Fiican ee ay usoo wada Shaqeeyeen iyo Waliba Waxqabadka Muuqda Ee uu Soo qabtay sidoo kale Waxa uu Xoghaya Cusub ku adkeeyey Inuu laban Laabo Dadaalkiisa Aanuna Ku dhex milmin XIldhibaanada iyo Shaqaalaha Dawlada Hooseba Maadama Uu Matalayo kana Socdo Dawlada Dhexe waxana uu Yidhi.
“Waxaan maanta Halkan U Joogaa Inaan Xilalka Ukala Wareejiyo Xoghayihii Hore Ibraahin Axmed raabi Iyo Xoghaya Cusub AXmed Maxamed Cabdilaaahi(Darajo),Intaa hadaan ka Gudbo Ibraahin Runtii In badan ayaan Soo Wada Shaqaynay, Wada Shaqayn FIicana Way Naga Dhaxaysay Mudadii sadexda Bilood ahayd ee aan Jogay Wasaarada Waxbadana Wuu qabtay Runtii Oo Muuqda Allena waxaan Uga Baryayaa In Alle meel Khayr Qabta Geeyo,Xoghayaha Cusubna Mudane AXmed-na Waxaan leeyahay Isna Waxan leeyahay Alle hakuu Fududeeyo Shaqadaa baaxada Wayn ee laguu Igmaday,waa Xil wayn waana Runtii Biriijka U dhaxeeya Dawlada Dhexe Iyo Dawlada Hoose,Waxanaan Dawlada Hoosena farayaa inay laabta u furaan Soona Dhaweeyaan lana shaqeeyaan Xoghayaha adna ula shaqeysaan sidaan Ibraahin ula shaqayseen,Axmedna Waxaan mar labaad farayaa inaanu Ku dhex Milmi Shaqaalaha Iyo Golaah Deegaanka Maadama Aad Dawlada Dhexe ka Socoto Balse aad shaqadaaada siday tahay Uqabsato Insha allah”Agaasimaha Arimaha Gudaha Somaliland.
Maayirka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo soo xidhay xafladda  ayaa sheegay inay ka Go’an tahay inay la shaqeeyaan Xoghaya Cusub Axmed Darajo sidoo kalena waxa uu sheegay macnaha iyo Shaqada Xogahay Dawlada Hoose Waxaaana kamid ahaa hadaladisii Sida tani. “Waxaan leeyahay Ibraahin Axmed Raabi Alla badal Khayr Qaba Haku siiyo Mudo Badana waan soo Wada Shaqaynay Waana kaaga Mahadcelinaynaa Wada Shaqayntii Fiicnayd ee Ina soo dhexmartay, Axmedna Waxaan leeyahay Soo dhawaw Si kal Iyo LaabaShaqaaluhuna way kula shaqaynayaan siday ula Shaqayn Jireen Xoghayihii Hore,Shaqada adna shaqo fiican ayaan kuu rajaynaynaa insha allah, Shaqada Dawlada Hoosena way kala Qeexan tahay maaha wax muran ku jiro, Goalah Deegaanku siyaasasd ayay soo dajiyaan waxay faraan maayrka, Maayarkuna waxa Uu U Gudbiyaa XOghayaha, Xoghayuhuna waa mashiinka Dhaqaajiya Shaqada Dawlada Hoose Waaana Ninka Soo saara cashuurta Wax lagu qabanayo barnaamijyada kalena soo Dajiya”ayuu yidhi
Gabagabadiina waxa si rasmi ah Xilalka Loogu kala Wareejiyay Xoghayihii Hore Ee Dawlada Hoose Degmada hargeysa Ibraahin Axmed raabi Iyo Xoghayaha Cusub] Ee Lasoo magacaabay Axmed Maxamed Cabdilaahi (Darajo) Sidoo kalena Waxay Shaqaale Waynaha Dawlada Hoose Shahaado Sharaf Ku maamuuseen Xoghayihii Hore Ibraahin.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi Hadalada Iskaga Daba Maray Cuqaal, Waxgarad, Aqoonyahano, Iyo waliba Maarti Sharaf kale iyagoona alla uga Baryay Xoghayaha Cusub inuu alle U Fududeeyo Shaqadaa wayn ee Loo Igmaday Sidoo kalena Xogahyihii Horena Ugu hambalyeeyey Waxqabadkaa Muuqdaa Ee Uu soo Qabtay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply