Hinaase Ayay Ugu Diiday In Uu u Duceeyo Saaxiibkii

0
556

Waxay ahayd galab Ramadan ah, wax yar ka hor eedanka Afurka, ayuu odayga gurigu duco bilaabay. Wuxu u ducaynayay nin ay saaxiib yihiin waxana uu yidhi :” Ilaahayaw saaxiibkay sii gabadh wanaagsan , qurux badan, akhlaaq iyo diin leh, kana dhig qoys balaadhan , uga dhig mid ku tageerta noloshiisa”.
Gabadhiisa ayaa markii ay intaasi maqashay soo orday oo u timi, kana qabtay gacmihii uu sare u taagay waxayna ku tidhi “ waxa wanaagsan inaad saaxiibkaa ugu ducayso caafimaad, xoolo iwm” Ninkii ayaa yidhi saaxiibkay waxa keliya ee ka maqani waa gabadh wanaagsan, wuu haysta waxa kale oo dhan.  Ka dib iyadoo cadhaysan ayay tidhi “ mar danbe haku celin baryadaasi” . Ninkii oo yaaban ayaa ku yidhi “ Maxaa kaa cadhaysiiyay ?“. Waxayna  ku tidhi: “ Miyaanad ogayn , in haddii aad walaalka isagoo kaa maqan u ducayso inuu Malak kuugu jawaabayo adigana intaasi in leeg Allah ha ku siiyo”. Soo markaasi adiguna gabadh kale heli maysid!.

Leave a Reply