Muslimiinta waa Qeyb naga Mid ah

0
310

Hillary Clinton oo ka mid ah musharixiinta madaxweynaha Mareykanka, ayaa iyada oo ka qeyb-galeysa kulan dad weyne oo uu qabtay TV-ga CNN, waxa ay sheegtay in hadallada islaam naceybka ku dhisan ee kasoo yeedhaya musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga, ay  yihiin kuwa ceeb ah oo ka dhan ah Mareykanka.
Clinton ayaa waxa ay ka jawaabeysay su’aal ay weydiisay hooyo muslimad ah oo horey uga tirsaneyd ciidamada cirka Mareykanka, oo lagu magacaabo Erum Tariq Munir, oo degan magaalada Des Moines ee Iowa, taasi oo ahayd sida dalka Mareykanka ku noqon karo dalka ugu wanaagsan oo ay ku korsan karto caruurteeda saddexda ah, haddiiba ay jiraan hadallada islaam naceybka ah.
 

Leave a Reply