cilmibaadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro u dhalatay wadanka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in guri walba ay ku nool yihiin ilaa 100 xayawaan oo yar yar,kuwaas oo kala duwan.
cilmibaadheyaashan ayaa intii ay samaynayeen darasadan waxay baadhitaano ku sameeyeen guryo gaadhaaya ilaa 50 guri, kuwaas oo ay deganaayey dad,waxaana arrintaasi ka caawiyey maamulka magaalada Rowley City oo kamid ah gobolka Caroline ee wadanka Maraykanka.
khubaradan ayaa tiro ahaan u qaatay inay heli karaan cayayaan dhan ilaa 579 cayayaan ah, waxaanay khubaradani heleen xayawaan gaadhaaya ilaa 304 nooc oo xayawaan ah, kuwaas oo gurigiiba ay ku nool yihiin ilaa 100 midh oo cayayaan ah.
xayawaanka ay khubaradani heleen ayay ku jireen caarooyin, dib qaloocyo iyo xayawaano kala duwan oo guryaha ku caan ah,kuwaas oo ay ku jiraan qudhaanjo.
xayawaanaadkan ayay khubaradu sheegeen inay qaarkood dhibaato ku keenaan caafimaadka dadka, halka kuwo kalena ay xambaaraan waxyaalo Infection ah oo isla xanuuno uun keena, kuwaas oo ay kamid yihiin duqsiga iyo Baran baradu.