khubarada Sayniska ee caalamka ayaa soo saartay cilmibaadhis cadaysay in maskaxda bani’aadmiga loo adeegsan karo sida hubka oo kale, iyada oo ka khatar badan karta hubka.
culimadan ayaa sheegay in waqtigan ay khubarada samaysa waxyaalaha Technology-gu ku mashquulsan yihiin sidii ay u samayn lahaayeen qalab wax lagaga bedeli karo maskaxda bani’aadmiga iyada oo habkeeda shaqo la khal khalinaayo, laguna shubaay waxay iyagu u baahdaan.
khubaradan ayaa sheegay in sheekadani tahay tii lagu arki jiray Film-ada iyo Buugaagta oo keliyaata, taas oo ay waqtigan doonayaan inay ka dhabeeyaan, iyaga oo samaynaaya tijaabooyin kala duwan.
qalab lasoo saaray ayaa ah mid lagu xidhaayo maskaxda ama qofka madaxiisa,iyada oo lagu khal khalinaayo neerfaha qofkasi ee maskaxda, kuwaas oo kadibna la raacinaayo waxyaalo ay u bixiyeen Electrodes, waxaana wada shaqaynaaya gacanta iyo maskaxda wixii intaasi ka dambeeya.
neerfaha lagu samaynaayo carintu waxay keenayaan in uu isbedelo gebi ahaanba dhaqankii iyo dabeecadii qofkaasi, taas oo aad loogu isticmaali karo ciidamada.