Saraakiisha Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa si hoose u sheegaya inay rumeysan yihiin in kuuriyada Woqooyi ay diyaarineyso inay riddo gantaallo, toddobaadka soo socda gudihiisa.
Sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqyo dheeri ah ay ka socdaan Korea-da Woqooyi, taasi oo soo jeedineysa in isu diyaarinta ridista gantaal ay socoto.
Dowladda Japan ayaa jimcihii soo saartay amar ku saabsan ka hortagga gantaalkan.
Warbaahinta Japan ayaa goor sii horreysay weriyey in sawirro satellite-ka uu qaaday ay muujinayaan in goob lagu magacaabo Tongchang-ri oo ku taalla galbeedka Kuuriyada Woqooyi lagu diyaarinayo in laga rido gantaalada riddada dheer ee la hago.
Goobtan ayaa waxaa loo isticmaalaa in laga rido gantaaladda riddada dheer ee la hago, kuwaasi oo gaari kara illaa 10,000 oo KM.
Korae-da Woqooyi ayaa sheegtay inay diyaarineyso dirista satellite, hase yeeshee Korea-da Koonfureed iyo Mareykanka, ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in Pyngyang ay dooneyso in rido gantaallo gaadhi kara Mareykanka iyo Japan.