Wargeys ka soo baxa Sacuudiga ayaa ku warramay in mas’uuliyiinta dalkaas ay xidheen 9 qof oo Mareykan ah iyo 24 qof oo kale, kuwaas oo lagu tuhmayo argagixisanimo.
Dadkan oo la xidhay toddobaadkii tagay, ayaa waxaa ku jira 14 Sacuudiyaan, saddex Yemeni ah, Laba Suuriyaan ah, qof Indonesian ah, qof Filipino ah iyo laba qof oo mid Falastiini yahay midna uu u dhashay dalka Kazakhstan, sida uu ku warramay wargeyska Saudi Gazette.
Hase yeeshee wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa lix sarkaal oo Mareykan ah ayaa sheegtay in Mareykanka aysan xaqiijin karin in dadka la xidhay ay ku jiraan dad Mareykan ah.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa hubinaya magacyada dadkan, si loo xaqiijiyo inay ku jiraan Mareykan iyo in Kale.
Wargeyska Saudi Gazette ma shaacin haddii dadkan loogu yeedhay “Tuhmaneyaasha Argagixiso” ay xidhiidh la leeyihiin kooxda Daacish, oo horey u sheegtay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday ciidamada ammaanka Sacuudiga.