Dumarku Kuma Jeclaadaan Eegmada Kowaad Ragga Laakiin Eegmada Lixaad Ayaa Soo Jiidata

0
1314

Khubaro ku takhasustay cilmiga nafsiga ah ayaa natiijada daraasad dhanka Jacaylka ah oo ay dhowaanahan wadeen soo gebo gebeeyey,waxaanay sheegeen in ay jiraan waxyaalo badan oo ay ogaadeen intii ay cilmibaadhistan ku jireen hawsheeda.
khubaradan ayaa sheegtay in ay ogaadeen in dumarku aanay ragga ku jeclaan eegmada kowaad laakiin ay jeclaadaan markay in badan arkaan,sidoo kalena ay dhugtaan eegmada ninkaasi .
khubaradan ayaa sheegay in lix jeer oo ay raggu eegaan dumarka ay sidoo kalena keento jacayl abuurma,waxaanay khubaradan oo ka socday wadanka Ingiriisku intaasi ku dareen in aanay gabadh aragtida kowaad ku qaadan karin wax go’aan ah,waxaanay sheegeen in ugu yaraan ilaa 45 minit ay u baahan yihiin inay go’aan ka qaataan xidhiidhka ay la samaynayaan iyo mustaqbalkooda.
dhanka kalena waxay sheegeen in gabadhu ugu horeyn ay  bilawdo inay eegto gacanta ninka si ay isaga hubiso inuu fargalkii Guurka xidhan yahay ,sidoo kalena ay eegto kabihiisa,dharkiisa,qaabkiisa,kelmadihiisa, codkiisa iyo habkiisa dhegaysi,waxa kale oo ay gabadhu eegtaa  jidhkiisa iyo sidoo kalena cidiyihiisa,intaas oo dhan markay eegtona waxay go’aan ka gaadhaa xidhiidhka ay la samaynayso ninkaasi inuu noqon karo mid sii socda iyo in kale.
ragga ayaa dhankooda lagu tilmaamay kuwo eegmada horeba ka hela dumarka,iyaga oo soo jiita muqaal ahaan.
 
 
 

Leave a Reply