Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Socdaal Ku Tagay Degmadda Baki Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay

0
334

Baki (Dawan): Madaxweyne  ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo  safar shaqo ku jooga gobolka Awdal ayaa shalay  socdaal ku tegay degmadda Baki,  waxaanu  soo kormeeray  goobaha ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo Sabtidii todobaadkan ka bilaabantay gobolka Awdal. ujeedadda socdaalka  uu madaxweyne ku xigeenku ku tegay degmadda Baki ayaa la xidhiidhay sidii uu qiimayn ugu soo samayn lahaa hanaanka ay uga socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo sidoo kale  in uu soo indha-indheeyo  baaxadda abaarta iyo saamaynta ay ku yeelatay  dadka degaanka.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay safarkiisa ku wehelinayaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada  oo ay ka mid yihiin wasiirrada waxbarashadda C/laahi  Jaamac Habane (C/laahi-Dheere), wasiirka boosaha iyo is-gaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, iyo wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Cali Xaamud Jibriil, ayaa waxaa halkaasi  ku soo dhaweeyay maamulka degmadda iyo  bulshadda. C/raxmaan Saylici, oo   khudbad  u jeediyay bulshadda ku nool   degmadda  Baki ayaa  ugu horayn uga mahad naqay dadweynaha   sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen. Waxaanu ugu baaqay   dadka shacabka ah in ay qaataan kaadhka codbixinta si ay  xiliga   doorashooyinka ugu codeeyaan cidda ay doonayaan.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Marka hore aad ayaan idiinkaga mahad naqayaa sida qiimaha leh ee aad noo soo dhawayseen.  Ta labaad waxay tahay, waxaanu maanta (shalay)  u soconaa  sidii aanu idiinku dhiirigelin lahayn diiwaangelinta bilaabantay, oo inagaga soo beegantay  wakhti adag oo ay jirto abaar goboladda Galbeedka  si gaar ah u haysata. Hadana waxaanu idin leenahay, Qadar ALLE ayaa isku soo beegay abaarta iyo diiwaangelinta.”

 Madaxweyne ku xigeenku, waxa uu intaasi ku daray  “Waxaananu  u soconaa in aanu dareenkaana idinla qaadano, oo aanu indhaha ku hayno, marka aanu idinka maqanahayna  dareenku wuu nagu jiraa,  oo dadkayaga dhibkiisa waanu dareensanahay,  oo culayskiisu wuu na saran yahay, wixii caawimo ah ee halkan idiinku imanayana waanu la soconaa, wixii  aanu dawlad ahaan soo helno, ama aanu hay’addo u soo dhiibno. Abaarahana ILLAAHAY ayaynu ka baryaynaa in uu inaga soo jebiyo,  gacanta ILLAAHAY ayuunbaa lagu dhergaa”ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

 Sidoo kale, Maayarka degmadda Baki Maxamed Caateeye, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  uga mahad naqay booqashadda ay Baki ku yimaadeen weftiga uu hogaaminayo madaxweyne  ku xigeenku. Waxaanu yidhi “Mudane madaxweyne ku xigeen iyo weftiga la socdaba anigoo ku hadlaya  magaca  maamulka degmadda Baki iyo ka shacabka ku nool degmadan, si weyn ayaanu idiinku soo dhawaynaynaa Baki. Marka labaad haddii aan idiinka waramo  degmadan  Baki ee aad maanta (shalay) joogtaan iyo waayaheedda, degmadan Baki waa degmo balaadhan, buuralay ah, xolo dhaqato iyo beeray isuugu jirta,  khayraadyo badan oo dihin leh, wax-soo-saar, macdan iyo biyaha Somaliland ugu badan leh,  waana degmo xoolo badan.” Wasiirrada boosaha, waxbarashadda iyo xidhiidhka goleyaasha ayaa iyagna halkaasi kala hadlay bulshadda ku dhaqan degmadda Baki.    

Dawannews Hargeysa office 

Leave a Reply