Saadaasha Qiimaha Shiidaalka Somaliland Ee 2016-ka

0
339

Labaatankii bilood ee u dembeeyey ee la soo dhaafay, ayaa qiimaha shidaalka ee dunidu ahaa mid hoos u sii socday illaa uu qiimaha Foostadiiba ka soo gaadhay bishan Feb, 2016 lacag dhan $26[lix iyo labaatan Dollar oo kaliya],sida la saadaaliyeyna qiimaha shidaalku aanu noqon doonin mid wax badan uga sii sara-kaca meesha uu hadda taagan yahay 2016-ka.
Hoos u dhaca qiimaha shidaalka waxa uu ka soo bilaabmay dabayaaqadii 2014kii oo ay markaa Foosatada shidaalku qiime ahaan ka taagneyd caalamka $110 [boqol iyo toban US dollar],haseahaatee hoos dhacii bilaabmay xilligaas, ayaa hoos uun u sii degayey, ilaa uu qiimaha Foostadu soo dul istaagay $31 [Kow iyo soddon US Doolar] JAN,2016ka. Waxa uu hoos u dhacaasi gaadhayaa boqolkiiba toddobaatan[70%] welina hoos ayuu u sii socdaa oo bishan Feb, ayey foostadii $26 [lix iyo labaatan US Doolar kaliya] noqday qiimaheedu
Haddaba, Sannadkan 2016-ka waxa jira aragtiyo cilmi ah oo qiimaha shidaalku halka uu gaadhi doono laga saadaaliyey, waxayna aragtiyahaasi u dhaxeeyaan qiimaha Foostadii $20 -.$100 [labaatan ilaa boqol US dollar] inuu noqdo. Aragtiyahan waxa saldhig looga dhigay aragtiyo isbarkan oo uu kow ka yahay dagaallada ka oogan bariga dhexe oo laga cabsi qabo inuu sii ballaadho, ka qaadista cunaqabateyntii saarnayd dalka Iiraan iyo arrimo kale oo ku lug leh dhinaca tartanka wax soo-saarka shidaalka ee dunida, iyadoo ku xidhnaan doonta arrintani hadba heerka ay gaadho baahida iyo wax soo-saarka [Demand and Supply] shidaalka ee dunidu.
Saadaasha laga bixiyey muuqaalka guud ee aan soo xusnay, ayaa waxa hoosta laga xarriiqay inaanu qiimaha foostada ee shidaalku kor u dhaafi doonin qiyaas ahaan $45 [shan iyo afartan US dollar] sannadkan 2016ka.
Sida laga soo xigtay Ha’yadda caalamiga ee tamarta Adduunka  (International Energy Agency), in 2015kii uu ahaa qiyaas ahaan keydka shidaal ee seyladaha dunidu dhigaal ahaan u yaalay ahayd illaa Saddex bilyan oo Foosto. Waxay ay tani ka dhalatay natiijadii dalalka qaniga ku ah Saliidda ee ku bahoobay Ururka OPEC oo iyagu ku heshiin waayey siyaasadda xagga wax soo-saarka ee shidaalka, kadib markuu dalka Sucuudi Areebiya oo kaalinta labaad kaga jira dhinaca keydka iyo wax soo-saarkaba uu goostay inuu sii kordhiyo wax soo-saarkiisa isagoo la socda in qiimaha shidaalka ee seyladaha dunidu uu hoos ugu sii socdo si xawliya.
Dalka Iiraan oo laga qaaday cunaqabateyntii dhinac walba ka saarneyd, ayaa isna durba si hordhaca u bilaabay inuu soo saaro maalin kasta shidaal dhan shan boqol oo kun ilaa toddoba boqol kun foosto, taasoo iyana badhayse ka sii dhigi doonta seyladaha shidaalka. Sidoo kale Shidaalka ee la yidhaa Shale Oil oo haysta keydka shidaal ee ugu badan, ayaa iyana haatan ka bilaabay dalka Mareykanka inay ka soo saaraan Shidaal faro badan oo ay u dhoofiyaan seyladaha dunida, taas oo iyana sii qarqin doonta suuqyada Shidaalka, isla markaana noqonaysa mid muujinaysa inaan qiimaha shidaalka ee adduunka laga filayn sannadkan inuu kor uga kaco qiyaas ahaan foostadii ilaa $45.
Haddaba, shidaalka aan dibedda kasoo iibsano, waxa intiisa badan ganacsigiisa ku hawlan oo gacanta ku haya Culimada dalka qaarkood, sidaa darteed, maadaama ay inta badan dadka ka wacdiyaan RIBADA, waxaan u soo jeedinayaa oo aan odhan lahaa (Walaalayaal qiimaha shidaalka inta yar ee aad qiimihiisii ka jarteen maaha mid caqli gal ah marka la barbar dhigo hoos u dhaciisa, sidaa awgeed waxa laydinka fadhiyaa idinkoo iska ilaalinaya RIBADA, una damqanaya dadkiina, in haddii aydaan ka dhimeyn boqolkiiba toddobaatanka (70%)  ka dhinmay qiimaha shidaalka ee dunida, bal inaad ku dedaashaan sidii ugu yaraan boqolkiiba konton (50%) uga dhimi lahaydeen qiimaha uu hadda taagan yahay, maadaama shidaalku saameyn ballaadhan ku leeyahay sicir-bararka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply