WEEDHA WARGEYSKA: Guddoomiye Cirro Hagrashada Waxa Uu Kaga Daran Yahay Hagardaamadda!

0
293

Toddobaadkii la soo dhaafay  xisbiga mucaaridka ah ee uu WADDANI, ee uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro,  waxa ay warbaahinta ka sheegeen olole dhalanteed ah oo midhihiisa qadhaadh uu goosan doono  mustaqbalka dhow marka ay ku soo oodanto xaqiiqaddu isla markaana ay arrintani ay noqon doonto daruus xataa jiilka dambe ee Somaliland ku cimro qaataan.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga WADDANI, kana tirsan aqalka wakiiladda ayaa sheegay inay geynayaan  Golaha Wakiiladda mooshin lagu ansixin doono gobolnimadda “GABILEY” oo uu  af-gobaadsaday in xisbigoodu uu arrintan goostay markii xukuumadda Somaliland ka war-wareegtay inay Golaha horkeento ansixinta gobolkaas.
Xildhibaanku waxa hadalkiisu noqday mid filan waa ku  noqday bulshadda iyo xildhibaanada wakiiladda labadaba.waxaanay dadweynaha reer Somaliland   ka  dheragsan yihiin  in Guddoomiye Cirro oo hoggaaminayay Golaha Wakiiladda muddo toban sanadood ku dhow uu  geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulay, kuna guulaystay inuu dallowga ka tuuro ansixinta xeerka caasimadda Hargeysa oo horyaallay muddo dheer, xeerkaasi oo  oogta ka caddeyn lahaa soohdinta Gabiley, taasina ay fududeyn lahayd in la ansixiyo goboladii cusbaa intooda istaahisha inay noqdaan gobollo rasmi ah.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waa  Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda waxa Guddiyadda Golaha, xukuumadda, Golaha deegaanka ee caasimadda iyo daneeyeyaal kaleba ay kala quusteen inay ka furfuraan xeerkaas oo uu mar walba ka saaro ajandeyaasha golaha loo qeybinayo isagoo dantiisa siyaasadeed ka eegaya. Mid ka mid ah Mudaneyaasha wakiiladda oo ka hadlayay waxa uu Cabdiraxmaan Cirro iskaga casili waayay gudoomiyenimadda baarlamaanka. Waxa uu Xildhibaankaasi ku sifeeyay “Guddoomiyahayagu wuu jeclaa inuu iskaga tago golaha, si uu ugu madax-banaanaado xisbigiisa, hase yeeshee waxa uu isku casili  waayay waxa uu ka baqanayaa in la ansixiyo XEERKA CAASIMADDA oo uu u arko mid halis ku ah.”
Mowqifka Guddoomiyaha WADDANI ka taagnaa  xeerka caasimadda kaas ayuu ahaa, haddaba waxa is weydiin mudan miyuu ka soo horjeeday gobolnimadda Gabiley mise wax buu la doonayay? Su’aashaas waxaan u dhaafayaa akhristeyaasha.!
Haddaba, xisbiga WADDANI iyo hoggaamiyihiisu waxaanay ogayn in bulshadda Somaliland ay wacyi ahaan ka horeeyaan halka ay taagan yihiin siyaasiyiintu isla markaana ay ka koreen shugux-shuguxdii loo tumi jiray.
Waxa kale oo aan xasuustaa in Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) uu dhawr jeer oo hore oo uu warbaahinta ka hadlay uu sheegay in Guddoomiyaha Wakiiladdu uu isku gudbay xeerkii Caasimadda oo dhaqan-galkiisu ay sifo sharci ah u sugi lahayd xuduuda Gabiley taasina ay suurto-gal ka dhigi lahayd in la ansixiyo Gobolnimada Gabiley.
Guddoomiye Cirro wali kama uu tanaasulin xeerkii gacantiisa ku dhintay, Golaha Wakiiladana iskama uu casilin, markaa waxa la yaab leh inuu filim dharaareed u dhigo bulshadda uu hagar daameeyay.
Waxa kale oo taas ka sii daran in xeerkii doorashadda uu u baratamayo ee Madaxtooyadda iyo wakiiladda illaa imika lama ansixin asbaabaha loo meel marin waayayna doorka u weyn ayuu ku leeyahay, haddana waxa uu mar walba hal-qabsi ah “DOORASHADU YAANAY MAALIN DIB U DHICIN.”  Halkee ayay siyaasadda laba wejiileynta ah ee Cabdiraxmaan Cirro  ka xidhmi la’dahay. Dunuubta uu  ka galay bulshadda ee uu xeerarkii dalku baahida u qabay ku hortaagan yahay waxa ka daran indho adaygiisa. Waxase uu dhami doonaa  dhawaan dhitada hagardaamada uu dalka  iyo dadkiisa ka galay.
Reer Gabiley-na waxay u arkaan dabuubta ciiro isku qarinta Cabdiraxmaan Cirro tuducyo ku jiray Gabeygii Qamaan Bulxan ee ahaa
•Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane

  • Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye
  • Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne
  • Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye.”

 
 

Leave a Reply