Dalal ku Heshiiyey Hakinta soo Saarka Saliida

0
399

Afar ka mid ah dalalka ugu weyn adduunka ee soo saara saliidda, ayaa gaadhay heshiis ay ku hakinayaan wax soo saarkooda, si wax looga qabto saliida dheeriga ah ee taalla suuqyada caalamka.
Wasiirada saliidda ee dalalka Ruushka, Sacuudiga, Venezuela iyo Qadar ayaa heshiiskan gaadhay salaasadii intii uu socday kulan albaabada ay u xidhnaayeen oo ka dhacay magaalada Doxa ee dalka Qadar.
Afartan dal ayaa wax soo saarkooda saliida ku ekeen doona heerkii bishii January ee la soo dhaafay, taasi oo wasiirka saaliida ee Sacuudiga Ali Al-Naimi uu ku sheegay inay tahay mid ku filan.
Kulanka ayaa tusmeynaya in dalalka soo saarra shidaalka, oo ay ku jiraan xubnaha ururka OPEC ay sidoo kale isku raaci doonaan in la dhimo wax soo saarka si loo soo geba gebeeyo 19 bilood oo qiimaha shidaalka uu hoos u dhacayey.
Qiimaha shidaalka ayaa gaadhay wax ka yar 30 dollar halkii barmiil, markii ugu horreysya muddo ka badan 10 sano.
Hoos u dhaca shidaalka ayaa dhaawac xooggan gaadhsiiyey miisaaniyadda dowladaha Ruushka, Sacuudiga iyo Venezuela.
Dadka arrimahan u kuur galay ayaa rumeysan in qiimaha saliida caalamka uu mar ay ahaataba gaadhi doono 20 dollar halkii barmiil, kahor inta aanu dib u soo kicin.

Leave a Reply