Dhiig bixinta a marna faa’ido ayay leedahay marne khasaaro ayaa ku jirta.
Sida caadiga ah waa in dhiig shubistu ay u dhaxayso 16 usbuuc, waana in aadan 3 jeer ka badan dhiig shubin halkii sanaba.
Waa in marka hore lagaa baaro cadadka dhiigaga iyo haddii ay jiraan cudurro soo daahiri kara markaa dhiig shubtid sida in dhiig samaysankaaga uu cilald ka jiro ama in aad baahi u qabtid dhiiga sida markaa uur leedahay ama aad qabtid xanuuno kale sida wadna xanuunka, beer xanuunka, kilyo xanuunka iyo wixii la mid ah.
Laakiin haddii caafimaadkaaga uu taam yahay, dhiig bixinta muddo markii al joogaba waa caafimaad maadaama unugyo cusub oo dhiiga ah la samaynayo, waxaana jiro xaalado ay qasab tahay inuu qofka dhiig bixiyo, tusaale ahaan xaalad loo yaqaano “Plycythemia” oo ah dhiiga oo qofka ku bato, kaasoo HB-a uu ka badanayo 18, wuxuuna qofka dareemaa markii xaaladaasi hayso madax xanuun, dhidid badan, wareer iyo neefsiga oo dhibo ama xabadka oo laga qabto.
Dhiig bixinta waxaa laga helaa faa’idooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay:
Isu-dheelli tirka birta ku jirto jirkaaga, maxaa yeelay caafimaad ahaan, haddii birtu ku badato jirka waxay keentaa dhibaatooyin dhowr ah, taasoo caafimaad ahaan loo yaqaano “Hemochromatosis”, waxyaabaha ay keeni karto waxaa ka mid ah in ay dhaawac gaarsiiso Ganaca oo ah xubinta soo saarto hormoonka Insulin, taasoo haddii ay sidaa dhacdo qofka waxaa ku dhici karto Sonkorow / Macaan.
Dhiigga oo fresh noqdo, qulqulka dhiigga oo sahlanaado, waxaa yaraanayso halista xinjiroobista dhiiga taasoo ka hortag u noqon karto cudurro dhowr ah sida wadna qabad-ka, Faaliga, Xinjiroobista arooriyaasha iyo kuwa kalaba.
Jirkaaga oo helo oksajiin ka badan intii hore, xubnahaaga oo firfircooni laga dareemo maadaama unugyo cusub jirka lagu soo kordhinayo, kuwii hore maadaama laga saaray, unug kasta oo dhiiga cas, waxuu noolaadaa 120 maalmood, haddii marka dhiig lagaa shubo, unguyo badan oo duqoobay ayaa lagu badalaa kuwa cusub, kuwaasoo ka awood badan kuwii hore.
Haddii aad doonayso in aad dhiig deeqdid isbitaalada tag iyagaa ku baari doono, dhiigna kaa shubi doono haddii aad caafimaad qabtid.
In muddo markii la joogaba dhiig la iska daadiyo ama la shubo caafimaadku wuu ku jiraa, rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato wuu is toobi jiray taasoo faa’idooyinka laga helo ay la mid tahay markuu qofka dhiig shubo oo kale.
Xigasho: SomaliDoc