Madaxweynaha Somaliland Oo Taxay Dedaalka Xukuumadiisu Gelisay Kor u Qaadista Waxbarashadda Somaliland

0
296

Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada inay fiiro gaar ah u yeeshaan wax ka qabashadda  waxbarashada farsamada gacanta, isla markaana faahfaahiyay  dedaalka xukuumaddiisu  ugu jirto kaalin gelinta  waxbarashada dalka.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  oo shalay ka qeyb galay munaasibad lagu furayay  wejiga labaad ee mashruuca horumarinta waxbarashada oo Midowga Yurub ku maal-geliyey dhaqaale gaadhaya 11 Milyan oo Doolar, ayuu sheegay in waxbarashadu tahay hadyada ugu qaalisan ee qof bani’aadmi ah la siiyo.
Khudbadda madaxweyne Siilaanyo oo dhammaystirani waxay u qornayd“Waa ii farxad inaan idinla wadaago furitaanka wejiga labaad ee mashruuca Horumarinta Cilmiga (ESDP), oo Midowga Yurub maal-gelisay. Waxbarashadu waa hadyada ugu qaalisan qof walba, caruur, waayeel, nin iyo gabadh la siiyo, waana furaha horumarinta bulsho iyo qaran. Faraqa wadamada horumaray iyo kuwa kale  waa waxbarashada iyo maal-gashiga lagu sameeyo, waana sababta xukuumadu ugu qoondaysay dhaqaale kobcaya sannadba ka ku xiga dhinaca waxbarashada.
Sannadkan waxaan kordhinay miisaaniyada waxbarashada xadi gaadhaya boqolkiiba 12%, taasoo isu-geyn shantii sannadood ka dhigaysa inuu kordhay xaddi gaadhaya 540%. Maanta waxa ka dhisan 1,000 dugsiyo hoose iyo sarre dalka, oo dhigtaan arday gaadhaysa 250,000.
Waxa jira saddex qiyaasood oo waxbarasho walba inay ka muuqato lama huraan tahay, kalana ah helitaanka, heerka iyo xirfada. Si loo hubiyo helitaanka, xukuumaddu waxay ka dhigtay waxbarashada hoose lacag-la’aan, si aan qofna uga dabranaan. Heerka waxbarashadu waa muhiim sida helitaanka, waxaanan heerkaa lagu qiimeeyaan aqoonta macalimiinta, nooca manhajka iyo qaabka goobaha iyo agabka wax lagu dhigo.
Waan ku faraxsan nahay inaan ogaado in mashruucan horumarinta waxbarashadu diirada saarayo dhammaan qoddobada muhiimka u ah waxbarashada, ma jecli inaan buunbuuniyo muhiimada waxbarashada farsamada gacanta. Waxaan jecelahay inaan fursadaa uga codsado hay’adaha  waxbarashada inay fiiro gaar ah siiyaan waxbarashada farsamada gacanta.”
Waxaan jeclahay inaan uga mahadceliyo Midowga Yurub iyo qaadhaan-bixiyeyaasha kale, iyo hay’adaha fulinaya, sidoo kale waan la  socdaa kaalinta muhiimka ee wasaarada waxbarashadu iyo hawlwadeenadoodu ka geysteen in lagu guulaysto wejigii hore ee mashruucan. Waxaan ku rejo-weynahay in wejiga labaad ku dhamaan doono guul iyo wanaag.”
Geesta kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isla shalay  ka qeyb galay shir lagu qabtay Huteelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa, kaas oo ujeedadiisu ahayd La wareegida Sariibad cusub oo loo dhisay Caanalayda, taas oo loogu talogalay sidii loo ilaalin lahaa Nadaafada, Caafimaadka Caanaha xoolaha iyo sidii loo tayeyn lahaa Xanaanaynta Xoolo naaxinta.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xafladaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Xoolaha iyo Caanuhu waa tiirka nolosha shacbiga Somaliland, Mashruucan Caanaha lagu nadiifinaayo waa mid muhiim ah, Waxaan u mahad naqayaa EU oo maal geliysay Mashruuca, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa FOA oo fulisay. Ugu danbayntii waxan shacbiga leyahay aynu ka faa’iidaysano mashruucan muhiimka ah.Waanad mahadsan tihiin dhammaantiinba.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply