Hargeysa(Dawan): Guddida la dagaalanka Sixir-bararka iyo hoos u dhaca qiimaha shilinka Somaliland ee uu dhawaan magacabay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyadda Somaliland ee Hargaysa.Kulankan oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ujeedadiisu ahayd in gudigu ay wax iska waydiiyaan tallaabooyinkii hore ay u qaadeen iyo kulamadii ay la yeesheen ganacsatada dalka waxyaabihii ka fulay iyo kuwa aan fulin iyo sababta y u fuli waayeen.Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland, waxaanay xubnahaasi kulankoodda ku falan-qeeyeen sida ay lagama maar-maanka u tahay in mar kasta laga shaqeeyo sidii llacagta shillinka Somaliland ay qiimo u yeelan lahayd. Waxaanay gudigu isla qaateen in mar labaad hawsha la dagaalanka Sixir bararka iyo kor u qaadista qiimaha shilinka Somaliland la dar dar galiyo deg degna looga hawl galo, iyagoo u balameen in kulankooda kan xiga hawsha halkaa laga sii amba-qaado.
Xubnahan uu Madaxweynaha Siilaanyo u magacaabay la dagaalanka Sixirbararka iyo kor u qaadista qiimaha lacagta dalka ayaa tallaabooyinkii ugu horreeyay ee ay qaadeen ku guulaystay in ay wax weyn ka qabtaan kor u qaadista qiimaha shilinka Somaliland iyo hoos u dhigga qiimaha sarifka Dollarka oo ay gaadhsiiyeen 6000 halka Dollar kaasoo hoos uga soo degay qiimihii uu ahaa laba kun oo shilinka Somaliland.
Taasoo ka dhalatay kulamo joogto ahaa oo ay la yeesheen Ganacsatada kala duwan ee dalka laakiin muddo kooban ka dib waxaa kor u kacay qiimihii Doralka oo hadda maraya 7300. Waana tau u ka dhashay kulanka ay shalay yeesheen Gudigu.
Dawannews Hargeysa office