Ra’iisal wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa isku diyaarinaya shir muhiim ah oo ka dhacaya Brussels, isagoo rajaynaya inuu heshiis la galo hogaamiyayaasha labaatan iyo toddobada waddan ee ku jira Midowga Yurub isbadalo muhiim ah oo ku saabsan xidhiidhka Britain iyo Midowga Yurub mustaqbalka.
Mr Cameron ayaa rajaynaya in guusha uu ka gaadho shirkan labada maalmood ay ka caawin doonto, inuu ka dhaadhiciyo dadka Britishka inay taageeraan afti loo qaadi doono in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
Aftida ayaa laga yaabaa inay dhacdo bisha June. Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale ka hadli doona arrimaha qaxootiga.
Madaxweynaha Golaha Yurub, Donald Tusk, ayaa ka digay in arrinta isbadalka Yurub ay tahay arrin sharci oo adag sidaas darteed aan la damaanad qaadi karin heshiis in laga gaadho.