Madaxweynihii la afgenbiyay ee Burkina Faso, Blaise Compaore ayaa la siiyay dhalashada dalka Ivory coast.
Arrintan ayaa la sheegayaa in ay soo afjareyso rajadii laga qabay in dub loo celiyo si uu u waajaho eedeymo la xidhiidha dil loo haysto marka l agu celiyo dalkiisii.
Madaxweynaha Ivory coast , Alassane Ouattara ayaa qalinka ku duugay amarka lagu siiyay muwaadinimada bishii November 2014, balse hadda ayuun buu soo shaac baxay.
Mr Compaore ayaa loo raadinayay gacanta la sheegay ee uu ku lahaa dilkii hoggaamiyihii hore ee astaanta ahaa Thomas Sankara sannadkii 1987.
Xukunkiisii 27 sano ayaa soo afjarmey bishii oktoober 2014 markii kacdoono shacbi ahaa dhaceen.