Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Agab Ciyaareed Ku Wareejiyay Kooxaha Degmooyinka Wadaamo-goo iyo Qori-lugud

0
381

Togdheer (Dawan)- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan xildhibaanadda Golaha deegaanka ee Magaaladda Burco, ayaa Isniintii toddobaadkan  gudoon siiyay agab ciyaareed ciyaartoyga degmooyinka Wadaamo-goo ee gobolka Saraar iyo degmadda Qorilugud ee gobolka Buuhoodle.
 
Xildhibaanku waxa uu Siciid Dirir oo ka mid ah waxgaradka deegaankaasi ku wareejiyay laba dirays oo uu ugu tallo galay kooxda kubadda cagta ee degmadda Wadaamo-goo iyo laba dirays oo uu u qoondeeyay kooxda kubadda cagta ee degmadda Qori-lugud. Waxa kale oo uu ugu ugu deeqay kubaddo iyo agab kale oo ciyaareed oo uu ku doonayo inuu kaga qeyb qaato horumarinta ciyaaraha degmooyinkaasi.Hase yeeshee uu kaga jawaabayo dalab uga yimid dhalinyarrada labadan degmo.
 
“Waa agab yar runtii oo ka kooban afar darsin oo dirays  ah, kubado iyo agab kale. Balse waxaan kaga jawaabayaa codsi iiga yimid dhalinyarrada deegaamadan oo iga codsaday inaan ka taageero wixii aan u qaban karo. Mana noqonayso deeqdii u dambeysay ee aan dhalinyarrada ciyaartoyga degmooyinkan siiyo,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi. Xildhibaanku waxa uu sheegay inay hiwaayadiisa koowaad tahay inuu saacido dhalinyarrada, waxaanu balan qaaday inuu sii xoojin doono taageerada dhalinyarrada iyo ciyaartoyga.
“Waan sii wadayaa inaan taageero ciyaartoyga iyo guud ahaan dhalinyarrada, waxaanan jecelahay inaan wixii awoodayda ah aan u qabto da’yarta iyo ciyaartoyga dhammaan degmooyinka gobolka Tog-dheer,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig.
Siciid Dirir oo ka gudoomay Xildhibaanka agabkan ciyaareed, ayaa si weyn ugu mahad celiyay Mubaarig Yuusuf Cilmi oo uu xusay inuu mar walba taageero dhalinyarrada iyo ciyaaraha, waxase uu  ugu baaqay inuu halkaasi ka sii wado taageeradiisa isla markaana ay ka filayaan deeqo intan ka badan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply