Saraakiil Ciidan Oo Ku Dhaawacmay Mudaharaad Rabshado Watay Oo Shalay Ka Dhacay Ceerigaabo

0
440

Ceerigaabo (Dawan)-Mudaharaad balaadhan oo markii dambe isku rogay rabshado isla markaana ay ku dhaawacyo fududi ay ka soo gaadheen dhawr sarkaal oo ka tirsan ciidammadda ammaanka ayaa shalay ka dhacay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, mudaharaadkan oo lagaga soo horjeeday dilkii Taliyihii qeybta Booliska Saaxil ALLE ha u naxariistee Marxuum-Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud.
Mudaharaadkan oo markii hore ku bilaabmay si salmi ah ayaa markii dambe isku bedalay rabshado ka dib markii ay taayro ku gubeen jidadka Magaaladda Ceerigaabo. Hase yeeshee waxa markii dambe loo dalbaday oo kala dareeriyay mudaharaadeyaashii ciidanka qaranka Somaliland.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay ayaa mudaharaadkaasi ka dib la hadlay warbaahinta, waxaanu sheegay in xaalada gobolka Sanaag ay tahay mid degan gabi ahaanba waxaanu yidhi “ILAAHAY baa mahad leh  waa ay degan tahay xaalada magaalada Ceerigaabo,waxaana ka dhacay waxooga mudahraad ah ,sababta mudahraadkan dhalisayna waxaa ay aheyd uun ninkaa taliyaha ahaa ee Salaasadii  ay dishay gacanta ka xaq-darani, mana jirto cid ku dhimatay amase ku dhaawacantay, nin sarkaala oo ciidanka ah mooyaane, ninkaasi dhaawac sidaasa ma qabo,”
“Mudahraadkiina waa uu dhammaaday, waxooga dhaawaca ayaa soo gaadhay saraakiil, dhagxaan iyo wax lala dhacay, Gaashaanle Cawaale Cali Abokor,,  dhame Axmed Maxamuud Jaamac iyo  dhame Cali Maxamad Siciid oo ah, taliyaha guutada 22aad ee ciidanka qaranka ee saldhiga saddexaad, markaa wax kale oo ay wax soo gaadheen ilaa iyo hada ma ogin, arrintuna waxa ay ka kacday uun dhab ahaantii arrintaas,”ayuu yidhi Badhasaabka Sanaag.
Guddoomiyaha gobollka Sanaag Axmed Cabdi Falay waxaa uu dadweynaha reer Ceerigaabo ugu baaqay in ay is dejiyaan, waxaanu yidhi “Dadweynaha reer Ceerigaabana waxaan leeyahay walaalayaal aad iyo aad ayaanu uga xunahay, dilka ninkan loo geystay ciddii dilkan geysatayna xukuumadda Somaliland ayaa ku hawlan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd is dejiya oo nabad-gelyada inoo wada ilaaliya, waana balan in dawladu tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonto.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply