Guddoomiyaha KULMIYE Oo Tilmaamay Dareenka Ka Dhashay Dilkii Taliyihii Booliska Saaxil

0
366

Berbera (Dawan)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi, ayaa tilmaan ka bixiyey dareenka uu shacabka ku dhaliyey dilka Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo aas Qaran loogu sameeyey magaalada Berbera shalay.
Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa uu geerida taliyaha hore ka tacsiyadeeyey qoyska, qaraabada, ciidanka booliska iyo shacabka reer Somaliland, waxaannu Alle uga baryey inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo marxuumka.
Waxa kaloo uu sheegay in dilka taliyahan iyo saraakiishii ka horreysaba ay muujisay dareen midaysan oo shacabku ka bixiyeen sida ay uga soo horjeedaan, isla markaana tan u dambaysay markhaati ka noqotay in ciidammada Qaranku ku filan yihiin nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland.
“Waxaan halkan aad iyo aad uga bogaadinayaa Taliyaha Ciidanka Booliska, Wasiirka Daakhiliga iyo Ciidanka Booliska oo maanta waajibkooda qaranimo gutay. Dhimashadan Taliyihii Booliska Saaxil way ka duwan tahay dhimashooyinka kale, waayo maxay uga duwanaatay? Waxa la gilgilay nabadda Qaranka, rag baa qoryo qaatay oo sarkaal sita calaamaddii qaranka oo nabad ku qabanaya hawshiisa ayaa la dilay, iyadoo saraakiil ka horreysayna sidaas oo kale loo dilay, waxaad ka arkaysaa dareenka dadka oo qarankii oo dhan baa soo gurmaday oo ka gilgishay dilka saraakiisha tani ugu dambaysay, taasina waxay inna tusaysaa in qarankani ka midaysan yahay nabadgalyadiisa iyo qaranimadiisa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Cabdirisaaq muu ahayn nin qabiil, waxay  ka muuqataa aaskiisa oo ah mid qaran, ciddii dishay qaran baa hawl galay oo cid ka weyn baa hawshii gashay. Sidaa darteed, waxay maanta tani inoo xaqiijisay in aynu aammino ciidammadeenu inay qaranimada iyo amnigeenna ku filan yihiin oo qofka wax ku dhacaan aannu caadifad qabiil iyo yaa soo qabanaya aannu ku dhaqaaqin.”
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu rajeeyey in dhacdadan u dambaysay ee lagu dilay Taliyihii Booliska Saaxil ay wanaag iyo midnimo u horseedo Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi, “Ilaahay Marxuumka ha naxariisto, dhacdadanina Ilaahay idinkii tii qarankeenna nabad iyo wanaag u horseeda ha ka dhigo, waynu is aaminay oo isugu nimi oo qarankii oo dhan baa maanta dareenkiisii meel wada maray, taas ayaa tusaysa in Marxuumkuna Ehlu Janno yahay marka intaas oo dad ahi isugu timi ee ay u wada duceeyeen.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply