Culimada dhanka cimilada ee caalamka ayaa markii ugu horeysay daraasad ka sameeyey samaynta ay cimilada isbedelaysaa ku yeelan karto caalamka sannadkan aynu ku jirno ee 2016-ka.
khubaradan ayaa sheegay in uu caalamku noqon doono mid diiran sannadkan marka loo eego sannadkii hore,sida lagu sheegay daraasadan natiijadii kasoo baxday oo ay soo saareen khubaro u dhalatay wadanka Ruushka oo hormuud u ahaa khubarada samaynaysay daraasadan.
cilmibaadheyaashan ayaa sheegay in ay tijaabooyin ku sameeyeen meelo kala duwan oo ay kamid tahay badhtamaah Ruushka oo ah meesha isbedelka ugu badan ee cimiladu ka dhaco iyo Koonfurta iyo Barriga wadanka Maraykanka oo iyaguna aad ula kulma isbedelo dhanka cilmilooyinka ah,kuwaas oo waqtigan cilmiladoodu tahay mid dhex dhexaad ah.
wadanka Japan ayaa isna markii ugu horeysay muddo 115 sanno yeeshay baraf tiro badan oo aan kala go’ lahayn,gaar ahaana gobolka ama jasiiradda Oshima Island,halka wadanka Ingiriiskana ay ka da’een roobab xoog badani sannadkan bilawgiisii.
xeel dheereyaashan ayaa kusoo gebo gebeeyey in dhacdooyinkani yihiin kuwo muujinaaya isbedel aan weynayn oo cimilada ku dhacay sannadkan bilawgiisa,iyada oo inay wanaagsanaato la filaayo sannadkan.