Al-Shabaab oo Qiray Duqaymaha Maraykanka

0
304

Ururka Al-shabaab ayaa qiray in Maraykanku ay duqeeyeen goobo ay ka taliyaan, balse waxay sheegeen in tirada waxyeelada ee boqol iyo kontonka kabadan in ay ka badbadin tahay.
Maraykanka ayaa sheegay in uu fuliyay weerar cirka ah oo ay loo adeegsaday diyaaradaha meelaha fog laga hago ee drones-ka.
Weerarka ayaa xarunta Pentagon-ka ee Maraykanku u cadaysay BBC in ay ku qaadday xarun tababar oo ku taalla Soomaaliya.
Waxaa Maraykanku sheegay in uu rumaysan yahay in lagu dilay in ka badan 150 ka tirsan dagaalamayaasha al-Shabab, waa sida Pentagon-ka uu sheegay.
Xarunta gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon waxay sheegtay in weerarku uu dhacay maalintii Sabtida, uuna bartilmaameedku ahaa xero tababar oo ku taalla caasimadda Muqdisho.
Waxaa Maraykanku sheegay in dagaalamayaasha al-Shabaab ay diyaarinayeen weerar xoog leh.
Wax jawaab ah oo hadda laga hayo ma jirto xarakada al-Shabab.
 

Leave a Reply