Ma ogtahay in kalluunka qasacadaysan ee Tuna oo aad guryaheenna looga isticmaalaa uu ka mid yahay cuntooyinka khatarta ku ah ilmahaaga? Sababtuna waa kalluunkan Tuna oo uu ku jiro xaddi aad u badan oo ah maadadda Mercury oo khatar ku ah labada kelyood iyo maskaxda carruurtaba. Haddaba maanta waxa uu akhristayaasheena la wadaagayaa cuntooyin Kalluunkani ka mid yahay oo aad kijada guryaha Soomaalida looga isticmaalo, laakiin khatar ku ah caafimaadka carruurta da’doodu u dhaxayso Gu’ jir illaa Shan sano jir. Qormadan waxaanu kazoo xiganay shabakadda Women health oo aad uga faalloota caafimaadka qoyska.
- Tuna (Kalluunka) :
In kasta oo uu kalluunku faa’iidooyin aad u badan u leeyahay caafimaadka, haddana khubarada caafimaadku aad ayaa ay uga digaan in la siiyo carruurta da’doodu ka yar tahay Shan sano jirka. Sababtuna waa maadadda Mercury oo caadi ahaan aad ugu badan nooca kalluun ee Tuunaha loo yaqaanno, waxaana la ogyahay in maadaddani ay khatar ku tahay shaqada kelyaha iyo maskaxda qofka, gaar ahaan carruurta.