“Mashruuca Aroori Sidii Loo Fuliyey Ayuun Baa Qool-cadey-na Looga Fulinayaa” Wasiir Cukuse

0
323

Hargeysa(Dawan):- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Xannaanadda Xoolaha jamhuuriyadda Somaliland  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa shalay  kormeer ku tagay seeraha Banka Qool Caday oo dawladdu dib u soo noolaynayso.
Weftigan oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka,Wasiirul dawlaha Xannaanadda Xoolaha,Wasiir ku Xigeenka Qorshaynta Qaranka,Agaasimayaal Guud,Aqoon yahano, Mas’uuliyiinta Degmada Sallaxley,Madaxa hay’ada DANIDA oo Wakiil ka ahaa qaadhaan bixiyeyaasha kale.
 
Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Cabdilaahi Cukuse oo  seeraha banka qool-caday ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday sida ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dedaal ugu jirto xidhista banka Qool caday kaas oo waxtar balaadhan u leh Bulshada deegaanka iyo xoolahooda.
 
“Waxaan idiin sheegayaa in Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF inay seeraha banka Qool-caday biyaha ugu horaysiinayso dadku way ku farxeen, siyaasadda wasaaradda Xannaanadda xooluhu iyo mashruucan SDF qorshaha  ay sameeyeen isma diidayaan, waxaanu diyaar u nahay mar kasta oo Mashruucaasi la sii daayo,oo Ceelashii SDF inay bilaabayso ay balan-qaado annaga iyo bulshada deegaankuna waxaanu balan-qaadaynaa inaanu taarkii ku wareejino,”ayuu yidhi Wasiirka Xooluhu.
Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu intaasi ku daray oo kale “Mashruuca qaybtiisa kale ee Aroori sidii loogu fuliyey ayuun baa halkana loogu fulinayaa.”Geesta kale Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Salaan Jirde (Cali Shoonbe) ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Bulshada deegaankaasi ay soo dhawaynayso Seeraha banka qool caday Waxaanu xusay in sida ugu dhakhsaha  badan loo bilaabi doono qodista ceelasha biyaha oo qayb ka ah Mashruucani “Dadku waa kuwaas sida Nabadgalyada ah u yimid ee arkay inaan wax la isku haystaa jirin, waxa muuqata in deegaanka iyo bulshaduba ku qanacsan tahay Mashruucan aniguna waxaan idiin bushaaraynayaa muddo aan fogayn in Biyaha laga bilaabi doono.”
Geesta kale Mr Michel oo ka socday hay’ada DANIDA isla markaana sheegay inay qeyb weyn ka qaadanayaan hirgalinta Mashruucan,waxaanu uga mahad naqay Xukuumadda Somaliland wada shaqaynta fiican ee Ka dhaxaysa.
 
Dhinaca kale Guddoomiyaha Degmada Sallaxley iyo qaar ka mid ah aqoon yahanka deegaanka degmada Sallaxley oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Talaabada ay Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha oo ka turjumaysa Siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Banka Qool-caday kaga hirgalinayso in laga dhigo Seere ay Manaafacaadsadaan dadka iyo duunyada ku dhaqan Jiida degmadda Sallaxley,Waxayna intaas ku dareen inay Gacan Muuqata ka gaysan doonaan waxa kasta oo looga baahdo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply