Khubaro sayniska ah ayaa markii ugu horeysay heshay xayawaan aad u yar oo la sheegay inuu kamid yahay xayawaanada duula,kaas oo duulimaad kaga gudbi kara badaha kala duwan ,kaas oo aan hore loo arag intii daraasadaha la waday.
Khubarada oo qoraal dheer ku qoray wargeys lagu magcaabo PloS ONE oo uu kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in xayawaankani awoodo inuu ka gudbo bado kala duwan oo waaweyn,kuwaas oo gaadhaaya ilaa kun kilometre oo isku wareeg ah.
Xayawaankan ayay sheegeen khubaradani in uu baalashiisa ka dhigi karo kuwo kala baxaaya,kuwaas oo u fududaynaaya inuu masaafo aad u dheer duulo ama duuli karo,iyaga oo baalashaasi balaadhani fududaynaaya dulimaadkaasi waqtiga dheer qaadanaaya,waxaanay baalashani kala baxayaa siinayaan xayawaankan awood dheeraada.
Khubaradan saynisyahanada ah ayaa sheegay in xayawaankan oo lagu magcaabo Eliesubaat uu yahay mid aad uga duwan xayawaanada kale ee duula,isaga oo leh weji u adkaysan kara dabayl kasta oo dhacaysa iyo sidoo kalena dufaanada .
Khubaradan ayaa kusoo gebo gebeeyey qoraalkan ay wargeyskaasi kusoo daabaceen in socdaalkan uu xayawaankaasi samaynayaa yahay mid si fudud uu daqiiqado ku tegi karo qaarado kala duwan,isaga oo sidoo kalena u haajiri kara meelo kala fog fog oo kala duwan.