Wakiilka Qaramada Midoobay ee Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa ku dhawaaqay in la filayo wadahadalada nabada inay bilaabmaan Isniinta.
Wuxuu sheegay in wadahadalka uu ka mid noqon doono aasaasida dowlad ku meel gaadh ah iyo doorasho.
Laakiin lama hubo cida ka soo qayb galaysa shirka Geneva, iyadoo mucaaradka qaar ay sheegayaan inaysan wali go’aan ka gaadhin inay tagayaan.
Suuriya dhexdeeda xabadjoojin bilaabatay laba iyo toban maalmood ka hor ayaa loo arkaa inay yaraysay dagaalka.
Waxay ogolaatay in gargaar loo keeno kumanaan rayad ah oo ku nool meelo dagaal ka socday.