Xidhida Xuduudaha iyo Xanibaada Qaxootiga

0
316

Masedoniya ayaa sheegtay inaysan u ogolaan doonin inay qaxooti ka soo gudbaan xuduudda ay la leedahay Gariiga, iyadoo xayiraysa jidkii waddamada Balkan-ka ee ugu muhiimsanaa ee loo sii mari lahaa waqooyiga Yurub.
Boqolaal kun oo qof ayaa ayaa sii maray Masedoniya sanadkii hore, laakiin waddanka ayaa soo rogay talaabooyin lagu adkaynayo talaabooyin adag bilihii ugu danbeeyay.
Go’aanka lagu xidhay xuduudda ayaa ka danbeeyay kadib markii la adkeeyay xuduuddaha Slovenia, Serbia iyo Croatia.
Hungary ayaa sidoo kale sheegtay inay dirayso ciidamo dheeraad ah oo ay ku adkaynayso ammaanka darbi xuduudda dhinaca koonfurta ee ay dhistay sanadkii hore.
Ilaa afar iyo toban kun oo qof ayaa ku xayiran dhinaca Gariiga oo aan u gudbi karin Masedoniya.
 

Leave a Reply