“Gobolku Waa Xoolo Dhaqato Abaar Kululi Hayso,Waxaanay u Baahan Yihiin In Laga Taakuleeyo Biyaha Iyo Raashinka”

0
322

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Daadmadheedh Axmed Maxamed Xaashi ayaa ka warbixiyay baaxadda abaareed ee ka jirta gobolkiisa, iyo deegaanada hoos yimaada oo ay ku le’deen xoolo tiro badan.
Guddoomiyaha Daadmadheedh, waxa uu baaq qeylo dhaan ah u diray xukuumadda Somaliland iyo waliba guddida abaaraha ee uu magacaabay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
“Gobolka Daadmadheedh guud ahaan waa gobol ballaadhan, nabad-gelyadiisuna way fiican tahay. Xaaladda ay dadku hadda ku sugan yihiin baa ah xaalad abaareed oo aad u adag, oo jiilaal darani haysto.Markaanu soo qiimaynay guud ahaan xaaladda nololeed ee gobolka, waxa weeyey dadka qaar ceelal ayay ka cabaan, qaarna waxay ka cabaan Baraago, isla markaana dadkii Baraagaha ka cabayay intooda badan biyihii way ka dhammaadeen ama gabaabsi ayay ku jiraan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh.
Guddoomiye Axmed Maxamuud Xaashi, waxa uu “Dadku Xoolo dhaqato ayay u badan yihiiin, xoolihiina hadda lagama iibsado oo Sayladihii way fadhiyaan sida aynu ognahay, sidaa awgeed dadku waxay u baaahan yihiin in laga taakuleeyo xaga Biyaha iyo Raashinka labadaba.Hadda xukuumadda Somaliland waxay gacanta ku haysaa oo ay wadaan guddidii uu abaaraha u magacaabay madaxweynaha Somaliland in ay eegaan gobollada iyo xaalada abaareed, isla markaana wixii ILLAAHAY keeno ee ay gacanta ku hayaan ay u qeybiyaan dadka, gobolkuna waxa uu ka rejaynayaa in wixii ay abaartu taabatay ay taakulayn ka helaan dhinaca xukuumadda.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply