Xikmada; Nin xakiim ah ayaa la weydiiyay ma jiraa qof ka xun bakhaylka ?
Wuxu ku jawaabay haa. Waxa ka xun deeqsiga wixii uu bixiyay ka sheekeeya.
Islaan da’ ah ayaa la weydiiyay , sidee ayaad ugu noolaydeen nolol bilaa technologi ah oon Telefon, Internet iyo Electronic midna lahayn ? Waxayna ku jawaabtay:
Sida aad maanta ugu nooshihiin bilaa kalgacal, bilaa run, balan fur, been iyo bilaa Insaaniyad.
Xikmad: Boqor kasta oo weyni wuxu ahaa ilma yar oo ooyaya, dhisme kasta oo adagani wuxuu ahaa meel banaan. Muhimadu maaha waxa aad maanta tahay waa wax aad noqon doonto berri.
Xikmad; Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.
Xikmad: Shimbiruhu waxay cunaan qudhaanjada, laakiin markay dhintaan qudhaanjada ayaa cunta, sidaasi ayay duruufaha aduunyadu isu bedelaan. Nin ayaa saaxiibkii ku yidhi isagoo fooq hoos jooga, xagee ayaynu ku maqnayn markii la qaybsanayay xoolaha fooqyadan lagu dhistay? Saaxiibkii ayaa gacanta qabtay oo geeyay Isbitaalka u dhowaa waxaana uu ku yidhi : “ Xagee ayaynu ku maqnayn markii waxan oo xanuun ah la qaybinayay? Haddaba mar kasta Allah (sw) u mahadnaq.