“Baadhis Ayaa Socota Waxa Loo Saarayaa Guddi Labada Dhinac Ah Si Xaqiiqada Loo Gaadho, Waanan Ku Calool Samahay”Waran-cadde

0
322

Jabuuti (Dawan)- Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland mudaen Cali Maaxamed Warancade ayaa ka hadlay iska horimaadkii dhawaan dhex maray ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland iyo ciidamada badda ee dawlada Jabuuti, iska horimaadkaasi oo ku dhintay askari ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland.
Wasiir warancade oo ku sugan dalka Jabuuti oo u waramay telefishanka Horn Caple Tv ayaa waxa uu sheegay in ay dawlada Jabuuti ka wada hadleen iska horimaadkaa dhex maray ciidamada badaha ee Somaliland iyo Jabuuti, waxaana uu carabka ku adkeeyay in guddi labada dawladood ka kala socda loo saari doono dhacdadaas.
Cali Warancade oo arimihaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aad la socoteen in shaqaaqo ka dhacday badda u dhaxaysa Somaliland iyo dawlada Jabuuti oo lama filaan ku dhacday oo aan la filan markaa sidii aanu hawlahaas ugala hadli lahayn dawlada Jabuuti ayaanu u nimid, si fiicana way noo soo dhaweeyeen dawlada Jabuuti, waxaana aan rajaynayaa si khayr leh in ay u dhamaato baadhis ayaana socota waxaanan doonaynaa in guddi u saarno oo labada dhinac ah si xaqiiqadu waxa ay tahay loo gaadho, marka la ogaadana sidii loo xalinlahaa ayaan ku talo jirnaa aad baanan ugu calool samahay.’’ayuu.yidhi.Cali Maxamed Warancade.
Dhinaca kale wasiirku waxa uu  ka hadlay safar uu ku tagay xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga, waxaana uu tilmaamay in ay ka wada hadleen masuuliyiinta dawlad deegaanka  sidii ay isku diwaangalin lahaayeen dadka u dhashay Somaliland ee degan xuduudadaha labada dawladood.
Cali Maxamed Warancade oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawlada Itoobiya waa dawlad xidhiidh wanaagsani naga dhaxeeyo oo dano badanina naga dhaxeeyaan, waxaana aan u tagay waxa soo  dhaw wakhtigii la qabanayay doorashooyinka Somaliland, sidaa aw geed waxa loo baahday in lays diwaangaliyo dalalka aanu dariska nahay sida Itoobiya iyo Jabuuti xuduuda ayay dadku iskaga talaabaan,.”
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Warancadde, waxa kale oo uu intaasi ku daray “Markaa abaar ayaa ka dhacday Somaliland, dadkii reer guraaga ahaana waxa ay u talaabeen dhinaca Itoobiya ee dawlada deegaanka Soomaalida, sidaa aw geed waxa aanu ka wada hadalnay sidii dadkaasu isku diwaangalin lahaayeen ee aanay dhibaato ula kulmi lahayn ee labada dawladood iskaga kaashan la haayeen, iyagoo wax yaabo badan ilaalinaya ayaanu u tagnay,”
Mudane Cali Maxamed Warancadde waxa uu intaasi raaciyay “Runtii is faham wanaagsana waanu kala kulanay iyo sidii loo sii xoojin lahaa  wada shaqaynta iyo ilaalinta  nabadgalyada ee labada dawladood  xadkana dadku markii hore way ka talaabeen  cid u diidaysa dadku in ay xuduuda  ka soo talaabaan  majirto oo odhanaysa lama noqon karo.’’ .ayuu.yidhi.wasiir.warancade.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply