Biyaha Oo La Ogaadey Inay Culayska Ridaan

0
329

Kooxo saynisyahano ah oo ka hawl gala wadankaasi Maraykanka jaamacaddo ku yaala ayaa cadeeyey in biyuhu lumiyaan culays badan, kuwaas oo caafimaad ahaan u fiican jidhka dadka .
Khubaradan oo ka socday jaamacadda lagu magacaabo Illinois ayaa sheegay in ay caafimaadka dadka u fiican yihiin biyaha oo la cabo waqtiyo kala duwan si uu jidhku u helo qoyaan ku filan,taas oo kala saraysa jidhka bani’aadmiga.
Daraasadan oo socotay muddo laba iyo toban bilood ah ayaa lagu sheegay in ay ka qayb qaateen dad gaadhaaya ilaa 20.000 oo qof, kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumar,waxaanay dadkani kaalin weyn ka qaateen tijaabadii la samaynaayey.
Dadkan tijaabada lagu sameeyey oo ay ku badnaayeen dadka buur buurani ayaa la sheegay inay markiiba rideen ama ay ka dhacday baruur badan ,iyaga oo ku noqday jidh ahaan xaalad caadi ah ama dhex dhexaad ah.
Sidoo kalena khubaradan ayaa sheegay inay daraasadan ku ogaadeen in ay waxyaalaha ay kamidka yihiin Sonkorta iyo milixdu mararka qaarkood ka qayb qaataan yaraynta baruurtaasi jidhka ka dhacaysa.
Kooxdan ayaa maalintiiba cabaysay koobab biyo ah oo gaadhaayey ilaa 4 koob oo biyo ah,kuwaas oo ridaayey mar walba qaybo kamid ah baruurtaasi,waxaanay sheegeen khubaradani in jidhka oo biyo waayaa ay keeni karto inuu isku dhago,taas oo xididada khatar ku ah.
 
 

Leave a Reply