Dhimashadeeda ayaa Riday Xukuumaddii Japan

0
391

Sanadadii 70-naadkii, gabadh indhoole ahayd oo Japan u dhalatay ayaa isku dayday inay tareenka raacdo, wakhtigaasi wadada tareenku umay diyaarsanayn dadka naafada ah. Gabadhaasi ayaa ku dhacday  biraha wadada ee xadiidka ah, iyadoo isla markiiba dhimatay. Arintaasi ayaa dadka Japan aad uga xumaadeen, waxaana ay keentay arintaasi in dawladii Japan ee wakhtigaasi dhacdo. Maanta dalka Japan xarumaha tareeka laga raacaa waxay leeyihiin qalab u diyaarsan dadka naafada ah maaha kan indhoolaha ah oo keliya. Qofka indhoolaha ahina si fudud ayuu tareenka u korayaa iyadoo aanay cidi kaalmaynayan. Waxayna marayaan dariiq u gaar ah oo loogu talo galay.  Dariiqyadaasi waxa ku qoran halkudhega ah “ Ha waaro kan toosiyay dareenka shacabka Japan” .
 

Leave a Reply