Libaax Baxsad ah oo khalkhal geliyay Nairobi

0
297

Libaax baxsad ah ayaa nin waayeel ah  ku dhaawacay magaalada Nairobi, saacadaha ugu mashquulka badan wadooyinka magaalada.
Dhaawaca ninka ayaa yimid kaddib markii uu libaaxu ka xanaaqay oo uu ku sasay hoonka gawaadhida iyo iyaga inta ay istaagaan ka qaadaya sawirro.
Ninkaasi  oo 63 jir ah  ayaa haatan isbitaalka la dhigay, halka libaaxiina dib loogu celiyay goob halkaasi ka dhaw oo duurjoogta lagu xanaaneeyo.
Waa markii seddexaad todobaadyadii u dambeeyay oo libaaxyo lunsan lagu arkay magaalada.
Bishii la soo dhaafay, laba libaax ayaa maalin dhex wareegayay degmo isku raran ah oo ku taal magaalada Nairobi ka hor inta aanay ku laaban goob lagu xanaaneeyo duurjoogta, iyadoo qeyb ka mid ah xaruntaasi ay furantahay ayaa waxa ay suuragelineysaa in duurjoogta ay hayaamaan.
 

Leave a Reply