Qabriga Mid Kamida Boqoraddii Masar Ee Faraacida Oo La Helay Qolal Qarsoon Oo Uu Lahaa

0
292

Baadhitaano dhowaan la sameeyey ayaa ugu dambayn lagu ogaaday in ay jiraan qolal qarsoon oo uu lahaan jiray mid kamid ah boqoraddii Faraacida,gaar ahaana Boqor Tut Anj Amon,kaas oo muddo kasoo talinaayey boqortooyadaasi.
Goobaha la helay ayaa la sheegay in ay ahaan jireen goobo raaxo,sida ay sheegeen khubaradan baadhitaanada oo ay ku jireen khubaro u dhalatay wadanka Masar,kana socday wasaaradda dalxiiska ,waxaanay sheegeen khubaradani in labadaasi magaalo qol ahaayeen kuwo gidaaro ka xigaan guriga intiisa kale.
Khabiir u dhashay wadanka Japan oo lagu magcaabo Hirokato Watanabe ayaa sheegay in helitaanka qolalkani oo laba ahi ay sabab u ahayd kadib markii khubaro u dhalatay wadanka Ingiriisku ogaadeen in ay jirto qaybo qarsoon oo kamid ah qabriga boqorkaas,kaas oo noqon kara quburaha boqoradii lagu magcaabi jiray Nefertiti.
Wasiirka dalxiiska wadanka Masar Mamdouh Eldamaty ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay goobtaasi waxa uu ku sheegay in aan weli la wada dhamaystirin,iyada oo weli la wado baadhitaano dheeraada,waxaana hadda la daba joogaa sida wasiirku sheegay alaabooyin uu isticmaali jiray boqorkaasi.
Baadhitaankan ayaa la rajaynayaa in la dhameeyo bisha March ee soo socota,iyada oo uu qabriga boqorkani ku yaalo dhinaca wabiga Nile,halkaas oo uu ku yaalo dooxa lagu magcaabo dooxa Boqor Luxor.
Qabriga boqorkan oo ka kooban sida la rumaysan yahay qolal badan ayaa la helay sannadkii 1922 kii,kaas oo uu helay nin lagu magcaabo Howard Carter oo u dhashay wadanka Ingiriiska,waxaana laga dhex helay khasnado kala duwan oo boqorkaasi lahaa.

Leave a Reply