Somaliland Oo Adduun-weynaha Ka Dalbatay In Gurmad Caalamiya Lagu Samato-bixiyo Dadka Abaaruhu Naafeeyeen

0
317

Hargeysa(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay baaqii ugu cuslaa oo  qeylo-dhaan ah ka soo saartay abaaraha lagu tabaaloobay, waxaanay beesha caalamka ugu baaqeen in gar-gaar caalami ah oo lagu samato-bixiyo lala soo gaadho gobollada bariga iyo galbeedka Jamhuuriyadda Somaliland.
Baaqan oo uu  soo saaray Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxar-diid (Caddaani), waxa lagu sheegay in xaaladda dadka abaaruhu saameeyeen ay qarka u saaran yihiin dhimasho, ka dib markii ay ka baxeen xoolihii ay dhaqanayeen.
Baaqa xukuumadda Somaliland  oo uu ku saxeexnaa  Wasiir Caddaani waxa uu u qornaa sidan:- “Guud ahaanba waxa dalka Somaliland ka jira abaaro baahsan oo saddex jirsaday gaar ahaana gobollada bariga iyo galbeedka oo ay abaaruhu si ba’an u saameeyeen isla markaana ay sababeen in dhammaan xoolihii la dhaqan jiray ay ka baxeen dadka oo aanay waxba ku hadhin habayaraatee, sidoo kalena dadka qaar ay u dhinteen macaluul iyo biyo la’aan, intooda kalena ay geeri qarka u saran yihiin noloshooduna haatan ay marayso meel aad u adag oo u baahan gurmad bini’aadaminimo oo caalami ah.
 
Sidaa darteed, xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa dalalka deeqaha bixiya, hay’adaha caalamiga ah, kuwa qaramada midoobay, kuwa gobolka, kuwa gudaha, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Somaliland in loo baahan yahay taakulayn iyo gurmad degdeg ah oo lagu samato bixiyo dadkaasi oo ay xaaladoodu marayso meel aad u halis ah oo aan la eegan Karin.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply