Heshiiska Turkiga iyo Midowga Yurub oo Dhaqangalay

0
354

Heshiiska midowga Yurub iyo Turkiga ee xakameynta tahriibayaasha ayaa dhaqan galay.
Heshiiskaasi waxa uu dhigayaa in muhaajiriinta ka tagaya Turkiga ee gaadhaya Giriigga dib loo celiyo.
Sidoo kale waxaa la celinayaa kuwa la diiday codsigooda megengelyo doonka ah.
Sidoo kale Midowga Yurub waxa ay dib u dejin u sameynayaan dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Turkiga ku yaalla.
Laakiin dib u celinta rasmiga ah waxa ay billaabaneysaa horraanta bisha April ee sanadkan.
Ra’iisul wasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras waxa uu sheegay in boqollaal ciidamo amni iyo qubaro dhanka sharciga ah la filayo inay dalkaasi gaadhaan si ay gacan uga geystaan meelmarinta heshiiska.
Shalay, kumannaan qof ayaa dalalka Yurub isugu soo baxay iyagoo diidan heshiiska.
 
 

Leave a Reply