Madaxweynaha Neyjar Mahamadou Issoufou ayaa si weyn dib loogu doortey doorasho wareegii labaad ah oo muran hadheeyay.
Komishanka doorashada ayaa sheegay inuu helay in ka badan 90% codadkii la dhiibtay Axadii, taas oo ay qaadaceen mucaaridku.
Ninka mucaaridka ah ee la loolamayay Hama Amadou, ayaa loo duuliyay Faransiiska toddobaadkii hore si loogu soo daweeyo, waxaana uu doorashada sida la sheegay ka helay 8%.
Dadka u soo baxay doorashada ayaa ahaa 60%, taas oo ay ku gacmo saydheen mucaaridku.
Isnaheysiga mucaaridka Copa 2016, ayaa ka dhigay tirade u soo baxdey doorashada 11%.