FBI oo Furtey Telefoonka Nin Weerar ku Diley 14 Qof

0
268

FBI ayaa ku guulaysatay inay furtay teleefoonkii IPhone ee uu lahaa Syed Rizwan Farook oo dad ku weeraray San Bernardino iyadoon shirkadda Apple aysan caawin, taasoo joojisay dacwadii maxkamada, sida ay sheegtay wasaarada cadaalada ee Maraykanka.
Apple ayaa diidanayd amar maxkamadeed oo bishii hore la bixiyay oo ka doonaysa shirkada inay qorto barnaamij komputarka oo u ogolaanaya masuuliyiinta inay ogaadaan xogta ku jirta Rizwan Farook telefoonkiisa oo xidhnaa.
Laakiin masuuliyiin ayaa sheegay inay fureen talefoonka iyadoo ay caawiyeen dad madaxbanaan, waxayna waydiisteen in amarka maxkamada la joojiyo.
ah.
Farook iyo xaaskiisa ayaa ku dilay 14 qof San Bernardino, Kalifornia, bishii Desember.
Boliiska ayaa toogtay labadooda weerarka kadib.
FBI ayaa sheegtay inay doonayso inay teefoonka oo xidhnaa furto si ay u ogaato xogta ku jirta, si loo ogaado inay la shaqaynayeen dad kale, inay beegsanayeen dad kale iyo cidii taageeraysay.
 
 

Leave a Reply