Dalalka Ugu Badan Werwerka iyo Niyad Jabka

0
604

Werwerka iyo niyad jabku waa xalaad nafsaani ah oo u baahan in qofka aad loola socdo loona ilaaliyo. Dabcan dal  kasta way jiraan dad qani ah iyo kuwo niyad jabsan oo dareemaya werwer joogto ah.

Laakiin mar kasta dunidu isku mid ma aha,  waxaana  jira dalal aad ugu horeeya niyad  jabka  tiro  ka badan tan caadiga ah. Waxaana arrimhaasi qayb weyn ka qaata dhaqaalaha.

Xarunta  Wadanka Maraykanka ee xakamaynta iyo ka hortagga cudurrada, waaxda tirkoobka dadka ayaa cadaysay in dalka Maraykanka 9.6% ,  uu asiibay xanuunka werwerka iyo niyad jabku.

 

Inkastoo Maraykanku si tar-tiib ah uga soo kabtay mushkiladii dhaqaale ee sanadkii 2008-kii, hadda-na  koritaanka dhaqaale weli waxa jira is-bedelo aan wanaagsanayn iyo weliba shaqa la’aanta oo badan.

 

Muwaadiniin badan ayaa ku  gacan saydhay shaqooyinka ay heleen iyagoo sheegay in aanay daboolayn baahidooda. Waxayna si cad u muujiyeen inay ku sii jiri doonaan xaladda cabsida leh.

 

Maraykanku waa dalka dunida ugu horeeya ee dhinaca werwerka iyo niyad jabka bulshadiisa ay haysato.

Dalka Ukrain ayaa isna ah dalka labaad ee dunida dadkiisa werwerka iyo niyad jabku hayo iyadoo 9.1% ay dadkiisu ku jiraan xaaladaasi.  Mushkilada dalkan haysta ayaa ka dhalatay Ruuska iyo reer galbeedka oo isku  haysta dalkaasi.

Waxa kale oo culimada cilmi-nafisgu sheegeen in dhibaatada iyo werwerka joogtada ah ay u weheliso mushkiladii qaraxii Tarshibol ee sanadkii 1986-kii  ee xaruntii Qubula duriyaha ee qarxaday,  taasi oo saamayn iyad-na ku yeelatay nolosha bulshada.

Waxayna qireen inay tahay sababta koowaad ee dadka Ukrain niyad xumaanta ku abuurtay.

Leave a Reply