Ninka dunnida ugu da’da weyn ayaa markale u dabaal degay sannad guuraddii 146-naad ee dhalashadiisa, isaga oo dhigtay xaflad weyn oo uu ugu dabaal degaayo dhalashadiisa, isaga oo sannad walba u dabaal dega marka xiligan la gaadho.
Ninkan ayaa lagu magcaabaa Saparman Sodimejo , waxaanu dhashay 31 December ee sannadkii 1870 kii, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay waaxda diwaangelinta ee wadanka Indonesia oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan.
Waxaanu ninkani ku nool yahay tuulada lagu magcaabo Java oo u taala wadankaasi Indonesia badhtamihiisa, waxaanu noqday waqtigan mid aad u daciifay awood ahaan , madaama oo uu aad u weynaaday.
Mr Sodimejo ayaa mar uu warbaahinta la hadlaayey sheegay inuu sannadkii 1992 kii wixii ka dambeeyey ahaa mid geeri u diyaar ah, balse uu nasiib wanaag ilaa maanta nool yahay , iyada oo ay waqtigaasi kazoo wareegtay muddo 24 sanno ah.
Ninkan ayay xaaskiisii dhimatay sannadkii 1988 kii, isaga oo lahaa ilaa afar xaas oo gebil ahaanba dhintay, waxaana waqtigan xanaaneeya caruurtii ay caruurtiisu sii dhaleen ama uu awoowga u ahaa, kuwaas oo iyaga laftoodu ah waqtigan kuwo aad u gaboobay da’ahaan.