Oog (Dawan)- Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, ayaa habeen hore ku dhawaacay saddex qof oo ka mid ahaa dad Rakaab ah oo saarnaa baabuur marayay waddada u dhaxaysa tuullada Guumays iyo degmada Oog ee gobolka Sool.
Saddexda qof ee weerarkaasi ku dhaawacmay ayaa kala ah laba rag ah iyo ruux dumar ah, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Maayar ku-xigeenka degmada Oog iyo taliye ku xigeenka booliska ee degmada Oog.
Waxaanay masuuliyiintaasi sheegeen in dhaawaca saddexdaasi qof uu ka dhashay kadib markii ay tacshiirad ku fureen baabuurkii rakaabka ahaa ee ay dadkaasi saarnaayeen koox shufto ah, xili uu gaadhigaasi marayay waddada u dhaxaysa Oog iyo Laascaanood. Dadkan dhaawacyadu soo gaadheen ayaa loo kala qaaday oo lagu dabiibayaa cusbitaalka magaalooyinka Burco iyo Laascaanood.
Maayar ku xigeenka degmada Oog, Cabdi Iidaan, ayaa sheegay in ay ka maamul degmo ahaan waxba ka qaban karin shuftada noocaasi ah, waxaanu xukuumadda u soo jeediyay in ay ku soo xoojiso ciidamo badan si wax looga qabto budhcadnimada ka dilaacday jidkaasi, “Halkani waa buundadii u dhaxaysay Oog iyo Guumays, waana meesha la magac baxday Dahabshiil iyo arooska. In dhawayd waa laga raystay shuftadii geli jirtay, iyadoo xukuumaddu ay noo keentay gaadhi iyo ciidan xoogan, laakiin habeenadan waxa soo noqday shuftadii, waxaana keenay abaaraha sagaalkii habeenimo ee habeen saddexaadkii halkan baabuur ayaa loo galay gabadh iyo laba nin ayaa la dhaawacay. Waxaana loo kala qaaday Burco iyo Laascaanood,”ayuu yidhi Maayar Ku-xigeenka Oog.
Maayar ku-xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray, “Waxaanu xukuumadda u sheegaynaa annaga ka degmo ahaan waa arrin naga xoog weyn, sababta oo ah kab ma lihin, markaa waa in xukuumaddu arrinkan xoojin ku samayso, maadaama oo aanu gaadhigii bilayska haysano wakhtiyada ay wax baadhanayaana waa habeen-badhka, waana arrin soo noq noqday in badan ayaanu socday dil baa ka dhacay qaar badan waa la qabtay.”
Sidoo kalena, Taliye Ku-xigeenka booliska degmada Oog, ayaa isna sheegay in ay bilaabeen hawl-galo lagu adkaynayo ammaanka waddadaas, isla markaana la baadhayo ciddii ku lug lahayd jid-gooyadan, “Halkani waa meel aad u dhib badan habeen saddexaadkii abaaro 9:00 cawaysnimo, ayaa la galay, halkan waxa galay budhcad bari oo halkan caadi ka ah oo wakhti walba ku dhibaateeya dadweynaha waddada maraya ee rakaabka ah dhacdadan u dambaysay saddex qof ayaa lagu dhaawacay.
Waxaanay caadaysteen in ay rasaas isaga furaan gaadhiga oo soconaya intaa Guumays iyo Oog u dhaxaysa-na halkay doonaan ay ka galaan. Waa guutooyin aan la ogayn oo dawladda ka hoos dhisan oo u baahan in gacan bir ah oo adag lagu qabto intii karaankayaga ah-na waanu ka hawl-gelaynaa.
Markii wax dhaceenba waanu nimid cid lamaanu kulmin,) ciidankii magaalada Laascaanood ee Guumays iyo annagoo booliska Oog ah waanu isugu tagnay raad iyo baadhitaan badan ayaanu samaynay, waana aafo meesha taala qaran ahaan iyo degmo ahaanba,”ayuu yidhi sarkaalkaas Booliska ahi.
Dhinaca kale wadeyaasha baabuurta u kala goosha magaalooyinka Burco iyo Laascaanood ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhibaatada ay ku hayaan kooxahan shuftada ah, waxaanay laamaha amaanka ugu baqeen in ay wax qabtaan arrintaasi.
Dawannews Hargeysa office