Afartameeye qof ayaa ku dhimatay doon ku dagtay xeebaha dalka Tanzaniya. Doontan ayaa ka baxday magaaladda Dekada ah ee Tanga.
Waxayna ku socotay Pembe oo ka tirsan Zanzibar.
Shilkan ayaa dhacay habeenimadii Isniinta. Taliye booliska u hadlay, Benedict Wakulyamba, ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen ilaa iyo 50 qof.
Wakulyamba waxuu intaasi ku daray in sagaal qof ay ka badbaadeen shilkan, maydad 12 qof ahna la helay.
Lama garanayo sababta shilka keentay, balse booliska ayaa sheegaya inay jireen dabaylo xooggan doontana ay lumisay miisaanka iyo dheelitirnaanta.